Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulan gaar ah la yeeshay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Akta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, iyaga oo dalab culus u gudbiyay xukuumadda Ankara.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Shakuur oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulanka ay la yeesheen Danjire Alper Akta, isaga oo sheegay inay kala hadleen doorka Turkiga ee siyaasadda Soomaaliya, si uu dhex-dhexaad uga noqdo xiisadda taagan.
Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka dalbadeen inay soo farogeliyaan is-mariwaaga taagan, ayna heshiis ka keenaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si looga wada-hadlo arrimaha la’isku hayo ee siyaasadda dalka.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Turkiga ay kala hadlen in diyaaradihiisa aan loo isticmaalin siyaasad iyo in lagu beegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama ay sii kordhayaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda gudaha caasimada.
“Waxaan ka dalbanay Turkiga in diyaaradahiina lasoo tabal caareystay horaaa kuwa live ah noo yimaadeen wax qaadi waayeen ee dalkan heshiis ayaa lagu joogaa hee ninka odeyga ah haddaa saameyn ku leedihiin heshiis ka keena” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in mucaarad ahaan ay doonayaan in meesha laga saaro Xasan Sheekh Sheekh, iyada oo la ilaalinyo dowladnimada, si aysan u burburin.
“Annaga waxaa rabnaa kow in Xasan Sheekh uu dowladda naga dumin mida labaad inaa iska qabano”. ayuu mar kale yiri Warsame.
Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ay mucaaradka haatan ka wadaan Muqdisho ayaa kusoo aadayo, xilli Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana aan weli la’isku fahmin hannaanka doorashooyinka dalka.

