Mucaaradka Somaliland oo dalab culus kasoo saaray heshiiska BADDA ee Addis Ababa

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii shalay madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bayaan kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan heshiiskaas haddii ay Somaliland ku helayso aqoonsi, hase yeeshe waxay tilmaameen in maamulka uusan waxba kala socodsiin mucaaradka.

“Xisbiga Waddani waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waddani ayaa sidoo kale ka digay wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka Somaliland, wuxuuna dalbaday xogta rasmiga ah ee heshiisyada Muuse Biixi uu ku saxiixay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.

“Waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo wixii heshiiyo caalami ah ee uu soo galo si Goluhu u darso nuxurka iyo faa’iidada ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran;

Sida shacabka reer Somaliland ka war-qabaan waxaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey Xukuumadda Muuse Biixi ka soo baxayey heshiisyo is khilaafsan, iyada oo ilaa hadda aan Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Mucaaradka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxba kala socon xaqiiqada arrimahan taagan.

Xisbiga WADDANI waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan.

Xisbiga WADDANI waxa uu ka digayaa wax kasta oo xad-gudub ku ah karaamadda umadnimo iyo jiritaanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed, waxaa Xisbigu sugayaa xogta rasmiga ah ee heshiiyada Madaxweynuhu ku saxeexay dalalka Djibouti iyo Ethiopia.

Sida laga warqabo waxaa Jamhuuriyadda Somaliland muddooyinkii u dambeeyey ka taagnaa khilaafiyo siyaasiya ah oo dhammaan waayay, isla markaasna ay faraheeda ka baxeen qaybo dhan oo ka mida waddankii mideysnaa, iyada oo Madaxwaynaha hadda talada hayaana uu dhammaaday muddo-xileedkiisii sharciga ahaa isaga oo haysan taageero shacab iyo sharciyad uu ku galo heshiisyo taabanaaya masiirka umada Somaliland.

Sidaa awgeed, sida shuruucda dalka u yaallaan dhigayaan, waxaa waajib ku ah Madaxwayne kasta oo Somaliland ah in uu Golaha Wakiilada u gudbiyo wixii heshiiyo caalami ah ee uu soo galo si Goluhu u darso nuxurka iyo faa’iidada ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.