MADAALE oo farriin deg-deg ah u diray shacabka Muqdisho – Maxaa berri dhacaya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si adag uga hadlay heshiiska badda ee ay wada galeen Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Madaale ayaa farriin culus u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in ay ka horjeestaan heshiiskaas, ayna ka dhiidhiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Waxaan halkan farriin uga gudbinayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Soomaaliya ee Muqdisho aniga oo ah guddoomiyihii gobolka Banaadir farriintaan aan gudbinaayo waxa ay tahay inaan ka jawaabno tallaabadii aan ka habooneyn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba ee shalay ay ku dhawaaqeen Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya arrinkaas oo ah in baddii Soomaaliya uu heshiis kula galay Itoobiya” ayuu yiri.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in heshiiskan uu xadgudub kuyahay Soomaaliya, isaga oo sheegay in Muuse Biixi uu ka faa’iideysanayo muddo xileedkiisa dhammaadka ah.

“Ma’aha arrin u qalma Soomaaliya sida aan la socono Muuse Biixi xilligiisii waa dhammaaday waxa ay ahayd inuu doorasho ka shaqeeyo dalka ayuu qaybiyay sida aan la socono, waatii dagaallo sokeey ay ka dhaceen deegaanada Somaliland” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay beri kasoo qayb-galaan banaanbax ka dhacaya caasimada oo looga soo horjeedo in Itoobiya ay la wareegto qayb kamid ah badda Soomaaliya.

Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas ka dhiidhiyaan, ka falceliyaan ay isu soo baxaan ay ka jawaabaan, ayna qabtaan banaanbax nabadeed” ayuu ku daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Beritu haddii uu ilaah yiraahdo iyo gelinka hore waa innoo ballan ah magaalada Muqdisho inay isa nuuxsato” .