Somaliland oo raali-gelin ka dalbatay DF + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa raalligelin buuxda ka dalbatay dowladda federaalka, kadib markii wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in heshiiskii Jabuuti uu ahaa mid lagu midaynayay labada dhinac.

Maxamed Kaahin Axmed wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo u jawaabay Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inuu jebiyay qodob kamid ah heshiiskii ay ku gaareen dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa xusay in qodobkaas uu ahaa in heshiiska laga ilaaliyo hadallada xanafta leh iyo wixii dhaawacaya intaba, sida uu ku dooday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu aad uga xun yahay hadalka kasoo yeeray Fiqi ee ah in laga wada-hadlayayay sidii loo mideyn lahaa Soomaaliya iyo Somaliland.

“Waxa ku jiray in dhinac waliba ilaaliyo geedi socodka shirarka, isla markaana aan la samaynin hadalo iyo qoraalo dhaawacaya geedi socodka shirarka iyo jawiga wadahadalada, waxaan ka xumahay in wasiirkii aanu wada saxeexnay uu ku tilmaamay mid dalka wadajirkiisa loogaga talinayay” ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa intaasi kusii dartay in arrintan ay muujineyso in Soomaaliya ay durbo ka baxday heshiiskii, balse ay ka dalbanayaan raalligelin, si loo sii wado wada-hadallada.

“Arrintani waxay muujinaysa in heshiiskii ay ka baxday Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku baraarujinaynaa in ay raaligalin ka bixiyaan qodobkan wasiirku uu sida khaldan u tilmaamay” ayuu mar kale yidhi Wasiirku.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in ujeedka heshiiska aanu ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya midoobaan, balse uu ahaa in labada dhinacba ay gaaraan heshiis ay raali ku wadayihiin mustaqbalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada todobaadkii hore ay waddanka Jabuuti ku kulmeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo gaaray heshiis ka gooban siddeed qodob, kadib markii uu isku keenay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa isku raacyay in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Si kastaba, waxaa heshiiskaas kasoo dib maray mid kale oo ay shalay Addis Ababa ku saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka, kadib markii dowladda Itoobiya loo saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.