Hargeysa (Caasimada Online) – Shacabka Somaliland ee ku nool magaalooyin ay ugu horeyso Hargeysa ayaa maanta ka banaan-baxay heshiiskii uu Muuse Biixi la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Shacabka Somaliland ayaa si adag uga hor yimid heshiiskaas, waxayna cambaareyn culus iyo caro kala dul dhaceen madaxweynahooda Muuse Biixi.
Dadka qaar waxay si cad u sheegayeen in Muuse Biixi uu qiyaamay dadka reer Somaliland, isla markaana uu yahay nin waqtigiisii dhamaaday, sidoo kale shacabka Hargeysa waxay ku goodiyeen in heshiiskaas uusan dhaqan-geli doonin.
“Walaahi waxaan noqoneynaa Falastiinta Afrika, dhagax ayaan ku dagaalameynaa, Muuse Badaan ma iibsa kartid, dadkeena dega Raaskambooni ilaa Raascaseyr ayaa wax ku leh, Soomaali Galbeed ayey Itoobiya si fudud ku qaadatay, maanta waanu soo jeednaa Muuse, namana gaadeysid,” ayey tiri Gabar ka mid ah banaan-baxayaasha.
Gabar kale ayaa sheegtay in shacabka Somaliland ay la yaabanaayeen talo xumada Muuse Biixi ee sababtay in la laayo ciidankii Somaliland, “Muusow adigaa na xasuuqay, waxaa tiri Siyaad Barre wuxuu ahaa Munaafaq, adigaa munaafaq ah, sababtoo ah Maxamed Siyaad waligiis taako dhul ah ma uusan bixin,” ayey tiri.
Shacabka Somaliland waxay si cad u sheegeen in aysan raali ka aheyn heshiiska lala galay Itoobiya, “adduunka waxaan u sheegeynaa in Itoobiya ay na dhaceyso, Muuse nama metelo, waqtigiisii waa dhamaaday.”
Shacabkii maanta isugu soo baxay bartamaha Hargeysa waxay sheegeen in si kasta oo Soomaali isku disho ay mid tahay oo Itoobiya aysan ka dooraneyn walaalahooda Soomaaliyeed “Muuse waa tegayaa waqtigiisiina waa dhameystay,” ayey ku qeylinayeen shacabkii hadlay.
Dhinaca kale, Mucaaradka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiskii shalay madaxweyne Muuse Biixi uu Addis Ababa kula saxiixday ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Bayaan kasoo baxay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa lagu sheegay in ay soo dhoweynayaan heshiiskaas haddii ay Somaliland ku helayso aqoonsi, hase yeeshe waxay tilmaameen in maamulka uusan waxba kala socodsiin mucaaradka.
“Xisbiga Waddani waxa uu mar kasta ilaalinayaa una taagan yahay madax-bannaanida Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aanu soo dhaweynaynaa haddii uu jiro aqoonsiga Ethiopia iyo horumar kasta oo Somaliland danteeda ku salaysan tahay isla markaana sharciga dalka u yaallana waafaqsan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale, caawa waxaa Hargeysa ka socda banaanbaxyo kale oo maamulka Somaliland uu soo abaabulay, kuwaas oo lagu taageerayo heshiiskii uu Muuse Biixi lasoo galay Abiy Axmed.