Mudane maba mudnide, hiilkii dalkaaga loo galay, miyaadan ogayn, mise abaallaawe, ayaa tahay?

Weydiinta nuucan ah marka aan arar ka dhiganayo tabasho ayaan qabaa, maxaa yeelay, wax la ii gaystay baan gocanayaa oo muwaaddin gef tirsanaya baan ahay, taana waxay igu kallifeysaa, inaan  maanta, si dhab ah u manna sheegto afkaygana isku amaano, aniga oo cuskanayaa maanso uu haray u tiriyay, Alla ha u naxariistee abwaan C/qaadir Xirsi Yam-yam oo ahayd:-

Nin amaanti meershaa
Ri’ ismaashay weeyaan,
Mid kalaa ka daba tiri
Haddii ay ku moosaan
Kartaa leysku muujaa
Taasaa macquul u eg.

Intaa ka dib, ereyada yasmada iyo  ceebayntu ay ka muuqato ee sida xishood la’aanta ah uga soo fatahaya afka uu hadalkiisu anshaxa ka tagsan yahay ee uu madaxweynaha Yugaandha Yuweri Museveni sida bareerka ah mar walba ugu weerarayo qaranka Soomaaliyeed, oo aan kow iyo laba ahayn, markii ay maankayga iyo maskaxdayduba gubeen aadna ii xanuunjiyeen,  isla markaana aan meesha ka waayay madax i matasha oo ka fal celisa quursiga joogtada noqday, ayaan qalinkayga caawinaad wediistay, aniga oo ka dhiganaya hub iyo gantaalaha wax duqeeya, si aan ugu difaaco heybadda iyo karaamada ay leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee abaallaawaha caaytamaya dalkiisa horay u soo badbaadiyay.

Mudane maba mudnide, bal taariikhda dib u eeg, oo xusuus u yeelo xiriirkii hiil iyo hooba lahaa ee ay hoggaaminaysay dibloomaasiyadda wanaagga leh . Ma xusuusan kartaa mise waad iska indha tireysaa, markii ay Tanzania dhulkaaga barkiis qabsatay, inaad Soomaaliya ku soo oydeen oo tira yar oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ah inta garoonka Entebi laga dejiyay ay ciidankii Tanzania ee idin qabsaday ay dib idinkaga riixeen, ka dibna madaxweynihii umadda Soomaaliyeed oo markaa ahaa guddmiyihii ururkii midowga afrika uu Muqdisho idin kaga yeeray halkaana aad heshiis nabadeed ku wada saxiixateen, sidaana aad dhulkiinnii ku hanateen, iyada oo halkaasi ay ku badbaadeen kumayaal nafood oo dhiman lahaa, idinkuna aad ku dhul waayi lahaydeen waana tii uu suugaanyahanka Soomaaliyeed lahaa:-

Ugaandhiyo Tanzania eeddii kala gaadhay
Ayaanbay malyuun dhiman lahayd, amase dheeraade
Ereyada shanta ahe aad tiraa, leysku aaminaye.

Mudane maba mudnide, ma waxaad garowsan weyday, in adiga oo jabhad ah aad gargaar weydiisan jirtay qaranka Soomaaliyeed oo waddamo badan oo xorriyad u dirir ahaa hortaa soo garab qabtay adna aad kuwaas uun ka mid ahayd, adiga oo weliba ammaanta ummadda Soomaaliyeed meel walba la taagnaan jiray, taasi oo aan hadda kaa muuqan, is weydiintuse waxa ay tahay “Maanta maxaa is beddelay, haddii la kufo in la soo kici karo sow ma ogid?

Haddab, haddii waxaa soo abaal ah laguu soo galay oo qarash, tamar iyo dhiigba laguu soo huray, inaad garashadeeda yeelato, ayey ahayd, haddiise adiga oo aan ka abaal celin aad manta is tiri “Waa ay taag daran yihiine ku tiigso” hankoodu is ma dhimo dhaqsana wey u soo hanaqaadi doonaan ee middaa ogsonow, mana mudna Soomaaliya oo uu calankeedu xaruunta qaramada midoobay uu ka dul babbanayo, adiga oo aan waxba ka goyn karin, inaad maanta tiraahdo “Soomaaliya wax dowlad  ah ka ma jirto” oo haddana iyada oo aan taa hore lagaaga jawaabin aad mar labaad tiraahdo “Askarigii anshax xumo raba ha i soo weydiisto Soomaaliya ayaan u dirayaa halkaas, ayey edeb darrada iyo dilkuba caadi ka yihiin oo aan waxba leyska weydiinayne”.

Mudane maba mudnide, hadal xumada nuucaas ah, waxa ay caddeyn u tahay, in lixda kun iyo afarta boqol 6.400 askari ee Soomaaliya kaa joogta ay dhammaantood wada yihiin kuwo anshax daran oo aad noo soo dirtay, sida adiguba aad afkaada ku sheegayso, sidaasi darteed waxba ciidan baan la baxayaa ha noogu caga juglaynin, maxaa wacay in ay nala joogaan, inaad naga kaxaysato ayaaba noo dhaanta, waayo askari aad anshaxiisa durtay inuu wax noo dhimo mooyee waxba noo ma tarayo, waxaana adiga kuu wanaagsan in aad lahaato anshax madaxeed, isla markaana ogaatid Soomaalidu waxa ay tahay.

Soomaali waa qoom adag
Haddey dhaxani qabtoo
Inyar ay qarqaryootay
Qabkeedii weli ma jabin
Qunyr baanay  soo kici
Hoggaan afrikey qaban
Quusna waad ku qaadan.

Ugu danbaystii madaxdayda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay “Ma yeeraannimadu waa fulaynimo ee wadnaha gufaysta qaranka Soomaaliyeed ee aad mas’uuliyaddiisa nagu matashaanna af iyo addinba ku difaaca, haddii kale aamusnaantiinnu, waxa ay noo sheegeysaa khaladaadka dhacaaya iyo quursiga Museveni, inaad raalli ka tihiin”.

W/Q: Barbaariye:- Bashiir Cali Xuseen