Mudullood: Rooble waxaan ku taageereynaa awood ciidan iyo mid dhaqaale + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beelaha Mudullood oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay xaalada dalka ka yeesheen waxgaradka beeshaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ay diyaar ula yihiin xoog iyo xoolo, hadii ay daacad ka tahay inuu si dhab ah u maareeyo xaaladaan kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Waxa uu cadeeyey in beesha Mudulood ay Rooble ku taageeri doonto taaba-gelinta cadaaladda, balse wax kale aysan isugu imaa doonin, “Hadii gudashada howshaan ay dhab kaa tahay Rooblow waxaan diyaar kuula nahay garab iyo dhaqaale,” ayuu yiri  Yuusuf Xaaji.

Waxuu intaas ku sii daray, “Ra’iisul wasaare taladaada iyo go’aanka aad gaartay hadii aad ka tanaasusho xilka ayaad ku weysay, go’aanadaada cidii fulin laheyd waa laguu haayaa, hadii lagaala hadlo ama lagaa hor istaago go’aankii aad guddiga khilaafaadka uga ceyrisay xubnaha oo aad ka tanaasusho dalka adigaa burburiyey.”

Yuusuf Xaaji waxa uu sheegay in dalku uu galay xaalad adag, isla markaana qof maanta badbaadi kara uu yahay Ra’iisul wasaaraha, hidii uu noqdo nin daacad ah oo go’aan leh.

“Rooblow waan kuu balan qaadeynaa hadii ay daacad kaa tahay dalka inaad badbaadiso, hiil hoo ah iyo mid xoog ah intaba waan ku siineynaa, xoogaas ma ahan in wax lagu duminaayo ee waa mid dalka lagu badbaadinaayo,” ayuu yiri.

Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn gacan ka hadal, balse hadii xaaladda la gaarsiiyo aysan kasii aamusnaa doonin.

“Dalkaan in la dumiyo dhibkeeda waan soo aragnay, laakiin hadii duruuftu kalifto oo dagaal laga baaqsan waayo, waxaan u sheegeynaa in garoonka iyo dekedu xirmi doonaan, guryaha magaalada ee la canshuurana aysan sii soca doonin, war dalkaan meesha loo wado halaga joogo,” ayuu yiri Yuusuf Xaaji Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beelaha Mudullood.

Hoos ka daawo