Mugabe oo geeriyooday (Akhriso taariikhdiisa)

Muqdisho (Caasimada Online) – Robert Mugabe ayaa dhintay isagoo ah 95 sano jir. Wuxuu Zimbabwe maamulayay in ka badan 30 sano. Wuxuuna xilka qabtay ka dib xurriyaddii dalkaas.

Kadib markii uu dhaqaalaha Zimbabwe si weyn u burburay sannadihii lasoo dhaafay, dad badan ayaa sii saadaalinayay in Mugabe uu isna dhici doono, balse markasta taas waa uu ku beentaynayay illaa xilka laga tuuray sannadkii 2017kii, oo militariga ay si kooban ula wareegeen Zimbabwe.

Xilligaas wuxuu la saftay xaaskiisa, waxaana looga shakiyay in uu taageeray in ay isaga badasho uu taas ku lumiyay taageeradii xisbigiisa iyo waliba ciidanka kuwaas oo xukunka ku hayay illaa iyo hadda.

Ka hor doorashooyinkii 2008-dii, waxa laga soo xigtay in uu yiri “Haddii doorasho lagaaga reeyo, dadkuna ku nacaan waa in aad iska tagtaa”. Markii uu kaalinta labaad galay doorashada, wareeg labaadna loo gudbay waxa uu Mugabe sheegay in ‘Alle oo kaliya’ uu xilka ka qaadi karo.

Si uu taageerayaashiisa u badbaadiyo, Morgan Tsvangirai ayaa ka baxay wareegii labaad ee doorashada kadib markii ciidammada ay bilaabeen in ay dhibaateeyaan mucaaradka, iyada oo markii dambe Mugabe lagu qasbay in uu awoodda la qeybsado Morgan oo laga dhigay Ra’isulwasaaraha Zimbabwe muddo afar sanno ah.

Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sannadihii 1980-aadkii xiligaas oo ciidammadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka.

Sooyaalka Mugabe oo kooban

1924 ayuu Dhashay

1964: waxaa xabsi galiyay dowladdii gumeysiga ee Rhodesian

1980: Wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii dhacay xornimada ka dib

1996: Wuxuu guursaday Grace Marufu

2000: Wuxuu ku guuldaraystay afti, kadib ciidamo taabacsan ayaa weeraray beeraha caddaanka.

2008: Kaalinta labaad ayuu galay doorashooyinkii guud ee dhacay

2017: Waxaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa iyo militariga

Mar waxaa loo arkay in uu yahay halyeey dalkiisa iyo dadkiisa u halgamay, meeshana ka saaray xukunkii caddaanka tirada yar ee dalkaas majaraha u hayay, waana sababta hoggaamiyeyaal badan oo Afrikaan ah ay uga gaabsadaan in ay dhaleeceeyaan.

Adduunka intiisa badan horey ayuu u socday, balse isaga halkiisii ayuu taaganyahay marka laga hadlayo fikradihiisa ku aadanaa dowladaha reer Galbeedka.

Qof kasta oo dhaleeceyn u jeediyo gumeystaha waxaa loogu yeeri jiray “Qaa’inul waddan ama dabo dhilif”, kalmadahaas oo markii lagu guda jirey halganka hubeysan qofkii lagu dhoho ay ka dhigneyd xukun dil ah oo kale.

Waxaa saarneyd cunnaqabateyn muddadii uu xilka hayay, taas oo ka dhalatay markii uu beeraha ka qaaday dadkii caddaanka ahaa ee Zimbabwe degganaa.

Markasta wuxuu dhaqaale burburka Zimbabwe ku eedeyn jirey dalalka reer galbeedka oo ay hoggaaminayso Britain, wuxuuna sheegi jiray in ay doonayaan in ay xilka ka tuuraan, xoogna kula wareegaan dhulka beeraha ah ee Zimbabwe.

Dadka isaga naqdiya ayaa ku eedeeyay in uusan fahamsanayn sida uu u shaqeeyo dhaqaalaha adduunka casriga ah.

Wuxuu muddo badan ku mashquulsanaa sida loo qeybsanayo qeyraadka dalka halkii uu ku mashquuli lahaa sidii loo kordhin lahaa dhaqaalaha Zimbabwe.

Mugabe ayaa mar yiri hadalkii caan baxay ee ahaa in dalkiisa uusan waligiis musalafi doonin, balse sannadkii 2008-dii Zimbabwe waxa ay ahayd markab sii quusaya oo kale, sicir bararkana wuxuu gaaray 231 milyan, boqolkiiba, waxayna u ekeyd in Mugabe uu doonayay in uu ka wardoono xeerada salkeeda.

Prof Tony Hawkins oo ka tirsan jaamacadda Zimbabwe ayaa yiri “Markasta oo siyaasadda iyo dhaqaalaha is barbar qabtaan, siyaasadda ayaa guuleysan jirtay”.

Sannadkii 2000 markii uu la kulmay mucaaradad adag, wuxuu markiiba buris u qaatay burburinta dhaqaalaha Zimbabwe oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika si uu ugu guuleysto hardankii siyaasadda.

Wuxuu la wareegay beerihii ay lahaayeen dadka caddaanka kuwaas oo laf dhabar u ahaa dhaqaalaha Zimbabwe, waxaana meeshii ka cararay deeqbixiyeyaashii caalamka.

Haddii si kale loo dhigo, Mugabe wuxuu ka reeyay mucaaradkiisa oo dhan, isaga oo xukunka kusii nagaaday.

Kaartooyinkii uu isticmaalay isaga iyo tageerayaashiisa waxaa ka mid ah tii barigii ay jabhadda ahaayeen.

Markii uu dhadhamiyay guuldaradii koowaad ee doorashada, sannnadkii 2000 xiligaas oo uu ku guuldaraystay aftidii dadka laga qaaday, waxa uu hawlgaliyay maleeshiyaadkiisii oo wata magaca “halyeeyada dagaalka” kuwaas oo gacan ka helaya ciidammada amniga, waxayna bilaabeen in ay laayaan mucaaraadka, qaar la jir dilo, qaarna la cabsi galiyo.

Siddeed sano ka dib iska arrintii oo kale ayaa dhacday ka dib markii Mugabe uu galay kaalinta labaad ee wareegii koowaad doorashada. Waxaana kaalinta koowaad ka galay hoggaamiyihii mucaaradka Morgan Tsvangirai.

Marka loo baahdo, dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda sida ciidammada, shaqaalaha rayidka ah iyo waliba warbaahinta oo ay gacanta ku hayaan xubnaha xisbiga ZANU-PF ayaa la hawlgaliyaa si loogu adeego danaha xisbiga.

Ninkii u dagaalamay in uu hirgaliyo nidaamka hal qof iyo hal cod, ayaa markii dambe soo rogay in qof kasta oo codka dhiibanaya uu cadeeyo halka uu degenyahay, islamarkaasina keeno waraaqaha uu ku bixiyay korontada iyo biyaha, taas oo aysan heli karin dad badan oo dhalinyaro ah oo fuqaro ah, una badnaa taageerayaasha mucaaradka.

Fikradda uu ka qabo mucaaradka waxa ay iska cadayd sanadihii 1980-naadkii xiligaas oo ciidamadiisii sida gaarka u tabobarnaa ay weerareen degmada Matebeleland halkaas oo lagu laayay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Joshua Nkomo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka.

Mr. Nkomo ayaa markii dambe aqbalay in uu awoodda la qeybsado Mugabe, si la mid ah sidii Tsvangirai uu u aqbalay kadib markii la laayay kumanaan qof oo taageersanaa.

Waxyaabaha aan shakiga lahayn ee 33-dii sano ee uu xilka hayay u qabsoomay Mugabe waxaa ka mid ah waxbarashada oo 90% dadka reer Zimbabwe laga dhigay kuwa wax qora, waxna akhriya.

Balse taas waxa ay horseeday in dadkii aqoonta yeeshay ay darsaan dhibaatada Zimbabwe, kadibna qaataan go’aano ay kaga soo horjeedaan isaga.

Dhambaalo laga soo xigtay dowladda Maraykanka oo lagu soo daabacay bogga Wikileaks sanadkii 2011-kii ayaa lagu sheegay in Mugabe uu qabo kansar.

Balse sidaas oo ay tahay wuxuu markasta sheegi jiray in uu xilka ka degayo marka uu guuleysto halganka uu ku jiro. Waxaase marar badan soo baxay warar suuqa ku jiray oo ahaa in xisbigiisa ZANU-PF ama dalalka dariska ay xukunka ka tuuri doonaan Mugabe.

Waana isla taas middood waxa hadda dhacaya, inkasta oo aanan wali lagu kala bixin.

Xigasho BBC Somali

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com