Warbixin: XAMAR oo laga diiday baasaboorka cusub ee mideyn…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho oo siyaabo kala duwan looga wareysanaayay talaabada ay dowladaha Africa horay u qaaden taasi oo lagu mideyn doono shucuubta ku nool qaarada Africa oo yeelan doona hal Baasaboor ay ku socdaali karaan.

Dadka qaar ayaa sheegay in Somalia ay ku adag tahay inay la tartanto misna ay hal Baasaboor la wadaagto shucuubta kale ee ku nool qaarada Africa, kadib markii ay sabab uga dhigeen in Soomaalida ay dhibaato badan kala kulmi doonaan qaadashada Baasaboorkaasi.

Waxa ay sheegen in dhibaatadaasi ay u dheertahay faquuq ay dowladaha kale ku sameeyan Soomaalida oo iyagu ku eedeysan inay yihiin Shacab dalkooda uu dagaalo la dagay.

Baasaboorka cusub ayay sheegen inaanu waxba u dhaami doonin kan iminka ay heystaan, iyaga oo shakiga ugu badan ku tilmaamay inuu yahay mid kaga imaanaya xushmad dari kaga imaada dhanka dowladaha Africa oo aan shacabka Soomaalida ku qiimeyn doonin keliya Baasaboorkaasi balse ay ka raaci doonaan in shaqsigaasi uu yahay shaqsi Soomaali ah una baahan in laga feejignaado, halka shucuubta kale ay yihiin kuwo aan dhibaato kala kulmi doonin wadamada ay u socdaalayaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ee fakirkooda ka dhiibanaayay Baasaboorkaasi cusub ayaa sheegay in faa’iidada ugu badan ay ka heli doonaan shucuubta kale ee aan Soomaalida aheyn, halka kuwa Soomaalida ah qaadashadooda ay kaga soko mareyso faquuq iyo dhibaato badan oo ay u maraan hanaanka ay ku qaadan lahaayen.

Waxaa jira qaar soo dhaweeyay go’aanka ay Madaxda Africa ku sameeyen Baasaboorkaasi mideyn doona dhammaan Soomaalida, waxa ayna sheegeen in ay Dadka Afrika gaar ahaan Soomaalida ay usahli doonto sidii ay si fudud ugu tagi lahaayeen dalalka kale ee Afrika.

Baasaboorkan ayaa la sheegay in looga gol leeyahay sidii ay isku dhex geli lahaayeen Dadka Qaarada Afrika, uuna u fududaan lahaa isku socodka Dadka Qaarada.

Dhanka Somalia ayaa waxaa Baasaboorkaasi ka bixin doona Hay’adda QM iyo Hay’adaha kale ee khuseeya umuuraha Africa oo iyagu qaabil sanaan doonta la socodka Baasaboorkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com