Sirta madaxweyne Erdogan oo laga helay Emailo la jabsaday

Ankara (Caasimada Online) – Qoraalo ay qortay shabakada sir baahiyaha ah ee loo yaqaan Wikileaks, ayaa waxaa lagu shaaciyay in xisbiga uu ka tirsan yahay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ee loo yaqaan Xisbiga Xaakimka Turkiga ee AK party laga jabsaday Emailo ay ku jireen sirta xisbiga.

Wikileaks waxa uu sheegay in xisbiga lagala wareegay in ka badan 200 kun oo Email oo ay la socdeen qoraalo sir u ah xisbiga AK party.

Qoraalka Wikileaks waxaa lagu sheegay in Emailada ay ku jiraan sirar badan oo khuseeya dhammaan xubnaha ugu sareeya xisbiga, waxaana Emailadaasi ku jira kuwo ay lahaayen madaxda Xisbiga.

Sirta qarsoon ee lagala wareegay xisbiga Erdogan ayaa u dhexeysay Sir la keydinaayay laga soo bilaabo sanadkii 2010 ilaa Bisha July 2016-ka ee aan hadda ku jirno.

Sirta lagala wareegay xisbiga ayaa waxaa ku jira qoraalo caadi ah oo ay wadaagen madaxda xisbiga iyo Madaxweynaha dowlada Turkiga.

Sirta laga helay Emailada la jabsaday ayaa waxaa ku jira qoraalo loo diray Madaxweyne Erdogan iyo Jawaabo uu kasoo bixiyay.

Qoraalka Wikileaks waxaa sidoo kale lagu sheegay in xogaha lagala baxay Emailada la jabsaday ay gaarayaan 294,546.

Qoraalada gaar ee uu baahiyay Wikileaks waxaa lagu muujiyay in xogaha laga helay Emailada xisbiga ay soo dadajisay in lagu dhiirado inqilaabka uu ka badbaaday Erdogan.

Talaabadaani ayaa kusoo aadeysa iyadoo xaalad murugeysan uu wali ku jiro dalka Turkiga oo ka badbaaday Inqilaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com