Xog cusub oo laga helay go’aanka lagu eryay hay’ada Nile Academy

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay Saraakiisha ka howlgasha Isbitaalka Deva ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in maanta oo khamiis ah ay shaqada ugu egtahay maamulka Isbitaalka.

Saraakiisha Isbitaalka kuwooda Soomaalida ah ayaa sheegay in shaqaalaha kasoo jeeda dalka Turkiga ee leh Isbitaalka ay shaqada si rasmi ah u joojin doonaan maanta oo khamiis ah, waxa ayna intaa ku dareen in maalinta Jimcaha ah ay isaga bixi doonaan Somalia.

Agaasimaha Isbitaalka Deva ee Magaalada Muqdisho oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in amarka kasoo baxay Golaha Wasiirada ay dhaqan galiyeen isla markaana ay boorsooyinkooda ka qaadan doonaan Somalia.

Waxa uu sheegay in sidoo kale ay shaqo joojin sameeyen Saraakiishii Turkiga ee ka howlgali jiray goobaha waxbarashada ee Hay’adda Nile Academy isl amarkaana ay shaqaalaheeda iyo qalabkeeduba ay kala baxeyso Somalia.

Hay’adda ayaa lala xiiriiriyay in Gacansaar ay leeyihiin Wadaad lagu Magacaabo Fatxullaahi Guulin oo ku nool Maraykanka kaas oo Dowladda Ankara ay rumeysantahay in uu ku lug lahaa isku Daygii Afgambiga Fashilmay.

Nilie Academy oo soo gashay dalka sanadkii 2011 ayaa ka mid ah Hay’adaha ugu waaweyn ee Mashaariicda ka hir galiyay dalka wixii ka dambeeyay sanadkaas 2011 ee Turkey uu u soo gurmaday Somalia.

Dalabka lagu eryay Hay’adda Nile ayaa waxa uu DFS kaga imaaday dhanka Safaarada dowlada Turkiga ee Somalia ku taal, waxaana sidaa go’aanka ku qaatay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia oo iyagu iclaamiyay in Hay’addaasi gabi ahaan ay dalka isaga baxdo.

Geesta kale, Dowlada Somalia ayaa lagu dhaliilay go’aanka ay Hay’adaasi ku burisay, waxa ayna inta badan dadka arrintaani kasoo horjeeda sheegen in DFS ay dhexda ka gashay dad wada dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com