Muqdisho oo loo sameeyay saadaalin halis badan oo ku saabsan CORONAVIRUS

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay Magaalada Muqdisho kusoo rogto go’aan adag oo hor leh oo looga hortagayo cudurka COVID-19 oo dadka uu ku dhacayo ay kusoo badanayaan  magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin oo ah xubin ka mid ah guddiga heer federaal ee ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa tilmaamay inay Muqdisho u baahan tahay go’an adag iyadoo la iska ilaalinayo in cabsi lagu abuuro dadka Shacabka ah.

Waxaa la filayaa in la mamnuuco isu imaatinka dadweynaha, sidoo kalana waxaa go’aamada ka mid noqon doono in Salaada Jimcaha soo socoto aan lagu dukan Masaajida,  waxaana laga yaabaa in guud ahaan la xiro Masaajidda.

“Xitaa hadii ay noqoto in naf la badbaadiyo waxaa haboon in awood ciidan la adeegsado si loo dhaqan-geliyo go’aanada adag,” ayuu yiri Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin

Dhanka kale Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jamaaludiin ayaa sheegay in la qiyaasayo in Magaalada Muqdisho uu si weyn ugu faafi doono cudurkaan todobaadyada soo socdo.

“Muqdisho waxey wajahi doontaa isbuucyo xanuun badan, dad badan buu soo ridan doonaa Corona, wasaarada Caafimaad shaqaalaheeda badankooda baaritaan baa la marsiiyey maadama laba naga mid ah laga helay, natiijadana waan arkeynaa,” ayuu tilmaamay Dr Cabdirisaaq.

Howlwadeenada la baarayo waxaa kamid ah isla Jamaaludiin maadaama uu kamid ahaa shaqsiyaadkii la shaqeeyay saraakiisha qaadey caabuqa, balse wuxuu ka gaabsaday in ay wasiir Fowziya Abiikar Nuur kamid tahay.

“Annaga ma xamili karno in aan karan-tiilno dad badan, laakiin xalka ugu wanaagsan waa dadka in ay iyaga is-karan-tiilaan, ayna xoojiyaan difaacooda oo ay cabaan biyo badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

waxaa Soomaaliya laga xaqiijiyay dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka oo ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa arrintan xaqiijisay. Waxay wasiiraddu sidoo kale shaacisay afar kiis oo hor leh oo coronavirus ah.

Isku darka tirada kiisaska coronavirus ee Soomaaliya ayaa hadda noqoneysa 12.