Muqdisho oo marti galineysa falal foolxun oo qalqal amni dhaliyay (Maxay yihiin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa marti galineysa falal amni darro oo isugu jira dhac iyo boob oo ay geysanayaan dhalinyaro ku labisan dareeska ciidamada dowlada.

Falalkaan ayaa inta badan waxaa lagu geystaa Gaadiid iyo Mootooyin oo ay la socdaan dhalinyaro ku hubeysan Hubka noocyada yaryar sida AK47 iyo Bastoolado.

Dhalinyarada dib usoo nooleyneysa falkaani ee wata dareeska ayaa qaarkood la xaqiijiyay inay ka tirsan yihiin Hay’adaha amniga, halka qaarna ay yihiin kuwo ay dantu biday.

Falalka dhaca iyo boobka ee kusoo cusboonaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale dareen gaara ka muujiyay dadka shacabka ah oo aan iyagu waxba ka faa’iidin ciidamadii loogu tallo galay howlahaasi.

Falalkaan dhaca ayaa waxaa inta badan lagu fuliyaa dadka wata Mobilada, Laptobyada, halka tuugada qaarna ay dhac ka geystaan guryaha.

Hay’adaha amaanka dowlada Federaalka ee ku shaqada lahaa ka hortaga falalkaan ayaa u muuqda kuwo aan dano gaara ka laheyn cabsi galinta lagu hayo shacabka.

Dhinaca kale, Degmooyinka ugu badan ee falalkaan ay ka dhacaan ayaa waxaa kamid ah Hodan, Howlwadaan, Waabari iyo Dharkiinle.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com