Wafuud ka socda Q.M iyo Midowga Afrika oo Maanta gaaray Magaalada Dhuuso-mareeb.

Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Micheal Keating iyo Xubno ka tirsan Beesha caalamka uu horkacayo ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Dhuusamareeb.

U qaabilsanaha Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr. Keating ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka lagu dhaqan gelinayo heshiiskii Maamulka Galmudug iyo Ahlu suna ay wada gaareen oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Waxaa jira wafdi kale uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada dhuuso mareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo,Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland,Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Odayaal iyo waxgarad ayaa kusugan magaalada Dhuusamareeb halkaasi oo lagu wado inuu ka dhaco shirka dhaqan gelinta Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Caasimada Online 

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com