Muqdisho oo xuquuqdeedii weysay !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada caasimadda u ah dalka ee Muqdisho ayaa waxaa ay marka dhinac laga fiiriyo xuquuqdeedii ku la’ dahay federal-ka, waxaana gobollada kale oo dhan ay yihiin kuwo helay maamullo ama hadda sameysanaya.

Muqdisho kuma jirto goobaha ay maamullada gobollada ee dhanka federaal-ka ah ka socdaan, balse waxaa ay leedahay kaliya maamul gobol oo ah kii horayba uga jiri jiray.

Tan iyo markii uu soo baxay qorshaha maamullada gobollada dalka lagu dhisayo waxaa jiray gobollo ay dhismeen maamulladoodu, si sharci ah ama si aan sharci aheynba, balse Muqdisho oo caasimad u ah dalku ma aysan helin gobollo ay maamulka goboleysiga ah ku darsan karto.

Dadka kaalinta muuqata ka cayaaraya in Muqdisho aysan yeelan maamul federal ah, dadkeednua ay noqdaan kuwa aan cod lahayn, waxaa aabe u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh waxa uu gobolka Shabeelaha Hooe raaciyey Bay iyo bakool, wuxuuna diida in Banaadir lagu daro Shabellaha Dhexeiyo Hiiraan, balse lama yaqaan sababta ka dambeysay diidmadiisa.

Dadka ayaa aaminsanaa inta aysan sida kama dambeysta ah u billaaban dhismaha maamul goboleedyadu in Muqdisho ay la bahoobi laheyd gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, balse ilaa hadda ma aysan helin oo waxaa muuqata in Muqdisho aysan xuquuq muuqata ku laheyn maamullada gobollada ee dhismaya.

Muqdisho ma aysan helin xuquuqdii ay laheyd ee dhanka dhismaha maamullada gobollada, waxaa ay tahay halka laga abuuro dhismaha maamullada iyadiina baarlamaanka iyo madaxdu uma aysan sheegin halka ay ka tirsanaan doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com