Muqdisho yey aqoonsi uga baahan tahay?

Muqdisho in ay Maamul Goboleed u gaar ah yeelato waxa ay maslaxad u tahay dalka oo dhan. Muqdisho waa muraayaddii dalka Somaaliya, waxana ku nool oo ay degane iyo degaanmba u tahay shacabka soomaliyeed ku dhawaad saddex meelood meel oo aan dood la gelin karin, waxana ay ka kooban tahay 17 degmo.

Dowoladda dhexe waxa ay dadaal ku bixisay iyada oo Muqdisho awoodeeda dhaqaale ku tiirsan  sidii ay u dhismi lahaayeen Maamul Geboleedyadu, madaxda Maamul Goboleedyaduna waxa ay taa beddelkeeda dadaal ku bixiyeen iyaga oo badankoodu Muqdisho deggan yihiin ama kuba dhashay sidii ay shacabka Muqdisho uga hor istaagi lahaayeen in Muqdisho maqaamkeeda hesho, taas oo meesha ka saareysa in ay muuqato awoodda siyaasadeed, dhaqaale, aqooneed ee shacabka Muqdisho Alle ku maneystay.

Waxa is weydiin mudan waxa ay diidan yihiin madaxda Maamul Goboleedyadu, ma in shacbiga Muqdisho talada dalka wax ku yeesho ayaa dhib ugu jiraa, mase siyaasad gurracan oo qarsoon ayaa jirta.

Waxa aan wada ognahay sababta loo dhisayo Maamul Goboledyada waa in si caddalad ah lagu wada noolaado shacbkuna helo xuquuqda dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed ee ay leeyihiin meelkasto oo ay joogaan , Gobol, Degmo iyo tuulaba.

Dowladdii waddanka hal meel ka hagi jirtay waxa lagu diiday in xuquuqda muwaadin kasta la ilaaliyo oo xukunka hoos loo dhaadhiciyo. Marka haddii ay tahay in xukunka hoos loo dhaadhiciyo dalkaan shacbiga ku nool qaar, qaarna  loo diido in ay xuquuqdoodi helaan maxaa isbedelay, waxay noqoneysaa oo kaliya, markii hore Dowladdii hal meel ka hageysay dalka Goboladii ayey xaqoodii u diiday hadana Gobolladi ayaa raba in ay Gobol ka mida dalka shacabka ku nool u diidaan xaquuqdiisa. Taas waxa kaliya ee lagu fasiri karo waa cadowtinimo muuqata oo anigu cod baan leeyahay adiguse cod ma lihid la yiraahdo.

Waxa kale oo suurto gal ah in miisaanka Muqdisho ay ku leedahay caalamka la rabo in la qariyo sidaasna shacabka Muqdisho uga haro xaqa uu u leeyahay in codkiisa la maqalo. Tani haddii ay dhacdo ama sababta maqaamkeeda looga soo horjeedo uu sidaas yahay,  waa doqonnimo waayoo Muqdisho waa sharafka qof kast oo soomaali ah. Adduunka Ayaana sidaas u sameysan, Shacabkasta oo dunida guud keeda saaran  waxa lagu aqoonsadaa calamka iyo caasimadda dalkiisa.

Waxa kale oo aan rabaa in aan Duqa ahna  Guddomiyaha Gobolka banaadir  Mudane Thabit u sheego in uusan uga baahaneyn Maamul Goboleeydyada in ay iyagu go’aan ka gaaraan haddii Muqdiaho  Maamul Goboleed dhisaneyso iyo haddi kale, waxa aan leeyahay Guddoomiye adigoo ku mahadsan dadaalkaaga waxa aan rabaa in aad ogaato in aqoonsiga Muqdisho loo aqioonsado Maamul goboleed uu jeebkaaga kuugu jiro, maxaa yeelay shacbiga Muqdisho ayaa xaq u leh in ay sameystaan Maamul Goboleedkooda,  sida Gobollada kaleba u sameysteen iyaga oo aan Muqdisho kala Tashan. Waxa kuu dheer maamullda la dhisay waxa lagu dhasay kharash fara badan oo shacabka Muqdisho bixiyeen, badankoodana Muqdisho ayaaba  lagu amaamuday.

GUNAANAD

Mudane Guddoomiye Muqdisho in ay Maamul Goboleed yeelato Gobolka Benaadir ee aad madaxda u tahay ayaa ka masuul ah, waxana kugu filan in shacabka Muqdisho Kula jiraan raalina ka yihiin sameynta Maamul Goboleedka BENAADIR. Madaxda Maamul Goboleeydyaduna  waxa ay ku mashquulsan yihiin sidii ay Gobolladooda u horumarin lahaayeen, Muqdishana cod ugala diriri lahaayeen.

Marka adiga ayey kuu taal haddii aad iyaga ka sugeyso aqoonsi iyo haddii aad shacbiga Muqdisho ee xaqoodi ay tahy arrinka la’isku hayo aad kala tashaneysid.

Waxa aan ku soo xirayaa Aqoosiga Maamul Goboleedka Benaadir Jeebkaaga ayuu ku jiraa.

W/Q: Dr. Axmed Cumar Calasow