Raila Odinga oo hanjabay iyo xiisad culus oo ka taagan dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka NASA Raila Odinga ayaa ku goodiyay inuu amri doono taageerayaashiisa inay awood ku galaan dhammaan xarumaha dowlada.

Raila Odinga, waxa uu sheegay inaanu qaadan doonin go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo ayiday guusha madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxa uu Raila Odinga cod dheer ku sheegay in Madaxweynaha Kenya ee sharci darada uu noqon doono Uhurro Kenyatta, halka uu isaguna ka noqon doono Madaxweynaha dhabta ah ee awoodiisa ka hirgaliya Kenya.

Raila Odinga, waxa uu tilmaamay inaanu ogolaan doonin in awooda codadka loogu sheegto dhaqaalaha Qaranka oo uu cadeeyay in lagu tagrifalay, isla markaana lagu iibsaday Guddiga doorashada.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Uhurro Kenyatta waa Madaxweynaha sharci darada ah, aniguna waxaan noqon doonaa Madaxweynaha dhabta”

Waxa uu intaa raaciyay ”Dalka waxaa maamuli doona taageerayaasha NASA oo iyagu la joogo xiligii ay adeegsan lahaayen awoodooda”

Mr Odinga, oo hadal ka soo baxay usoo gudbiyay lataliyihiisa Salim Lone, ayaa sheegay in xukuumadda Jubilee ay tahay mid sharci-darro ah, isaga oo intaa ku daray in go’aanka Maxkamadda Sare uu ku yimid cadaadis iyo xaalad adag.

Geesta kale, Guusha Mr Kenyatta ee doorashadii 26ka Oktoobar ayaa waxaa si wada jir ah u taageeray lixda garsoore ee dacwada dhageesanayay ee Maxkamadda Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com