Murashaxoow haddii aad guuleysato maxaa ku horyaal?

By Ali Muhiyaddiin

Muqdisho (Caasimada Online) –Toddobaad ayaa ka harsan xiliga doorashada madaxtinimada Somalia, oo la filayo in ay ka dhacdo 15-ka May teendhada Afisyooni ee xeyn-daabka xerada ATMIS. Ku dhawaad 50 Musharax iyo ka badan ayaa la maleyn karaa inay u taagnaan karaan iney ka qeyb galaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka oo aysan ku jirin wax dumar ah.

Murashaxiinta, waxaa ku jiro kuwo qurba joog ah, qaarkoodna , war uma haayaan marxaladaha adag ee Somalia la il darran tahay.  Halka qaar kalena ay jiraan iyagoo meelna uga bixin  dalka, Kuwaan waxay u soo joogeen, haddana goob joog u yihiin duruufaha xag walba leh ee dalku ilaa hadda ku jiro. Laakin waxaa dhici karta inay ku jiraan murashaxiintaan qaar hoggaaminta ku adkaan doonto, haddii midkood guuleysto. 

Shuruudaha tartanka aasaas u noqon doona ayaa la filayaa qaarkood ama intooda badan in ay ku haraan ama sheegtaan tanaasul,  ka hor doorashada inta aan la qaban tiradana aysan ka badnaan doonin 20 murashax.

Sida caadadu tahay, murashaxiinta qaar ayaa damacoodu kaliya yahiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kalena loo maleyn karo inay wataan qorshe siyaasadeed qaran, inkastoo istaraatiijyada doorashadu tahay midda Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka in ay ku yimaadaan doorasho cod aqlabiyad ah oo ka yimid laba gole qabiil ee u taagan Baarlamaan hoose iyo mid sarre.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira tirakoob dadweyne iyo diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Qaab guracan oo aan xalaal ahayn ayay  ku yimaadeen Goloyaasha qabiil, waxa lagu magacaabay , “Aqalka Sare iyo Aqalka hoose”,  oo iyagana soo doortay Afhayeenadooda iyo Madaxweynaha oo la sugaayo.  

Murashax walba waaxqabadkiisa wuxuu ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka. waxay hadda bilaabeen iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan. Qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka ah ama murashaxa halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Markaan mid mid u gorfeyno murashaxiinta kuwooda ugu cad cad ee orodka ugu Jira ololaha doorashada laakiin aan la ogeyn halka ay gaari doonaan, waxaa ka mid ah:.

Mohamed Abdullahi Farmaajo: Murashaxa Nabad iyo Nolol, ka hor xilka madaxweyne muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa haystay, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay. 

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka RW ku waayay, markii uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha. Taasoo sababtay in mar kale loo doorto 8 Feb 2017 madaxweynaha Somalia. Doorashadiisa oo guud ahaan dhulka Soomaalida laga soo wada dhoweeyay waxaa xigay isbadal iyo sidii laga filayay si ka duwan in loo arko, waxaa Farmaajo loo arkaa xiligaan madaxweyne wax badan ka badalay Somalia-da cusub, laakiin nidaamkiisa iyo dadka ku xeeran ay dhabihii guushiisa ka weeciyeen markii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ku fashilantay inay dalka ka qabato doorasho xor iyo xalaal ah, taas badelkeedna madaxweynaha lagula taliyay inuu sameeyo mudo kororsi, tallaabadaasi oo sidoo kale kalsooni daro gelisay shacab fara badan, waana cilada kaliya ee maanta Farmaajo boog ku noqotay. 

Farmaajo wuxuu dhisay oo sal adag ku taagay ciidamada kala duwan ee dalka oo tayo ahaan ka wanaagsan xiliyadii dowladdihii ka horeeyay ee curdanka ahaa, wuxuu kalsooni ku kasbaday ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo mushaarkooda uu joogteeyay iyo nidaamkii dowliga.

Balanqaadyadii madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashada kusoo galay weli wax ka hirgalay ma jiraan, inkastoo dowladdiisa ay ku guuleysatay xiriirka caalamiga iyo in Somalia loola dhaqmo si ka duwan dowladihii hore.

Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweynihii xafiiska ku wareejiyay Farmaajo, wuxuu halgan adag kadib ku guuleystay doorashadii Sep-2012-kii, wuxuu ahaa nin howlaha samafalka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada rayidka magac weyn ku lahaa. Lixdii qodob ee tiirka u ahaayeen qorshe siyaasadeedkiisa ayuu ku galay ololihii doorashada. wuxuuna ka faa’iideystay khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyninimada.

Xasan Sheekh, waxaa lagu yaqiin dhinaca kor u qaadista waxbarashada, isagoo udub dhexaad u ahaa bahda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan machadka SIMAD oo arday  fara badan ay ka soo qalin jabiyeen.

Xasan wuxuu markii danbe damaciisa u gudbay isaga iyo saaxiibadiisa dhinaca waxbarashada inay siyaasadda ku biiraan, iyagoo ungay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP), kaasoo markii danbe guuleystay. Haddana wuxuu rajo wanaagsan ka qabaa in mar kale guul uu gaaro. Hassan Sh. Maxamuud wuxuu 2012-16 soo hoggaamiyay dowlad aan KMG ahayn, dunidana ka kasbatay aqoonsan caalami ah. Wuxuu dagaal adag la galay arxgaxisada Al-Shabaab oo u ka xureeyay degaamo badan oo ay magaalo madaxda ka mid tahay. 

Waxaa si weyn u dalka ka hirgeliyay oo soo dhammeystirmay maamul goboleeyadii nidaaamkii Federaalka,  waloo aan lagu guuleysan jiritaankii Asxaabta, tirakoobkii dadka iyo xoolaha, doorasho ku saleysan qof iyo cad iyo inaan weli dhammeystirmin dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Somalia laga qaado cunuqabateyntii hubka ee QM saartay sannadkii 1992 

Madaxweyne Shariif: Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli ayuu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.

Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka. Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar labaad u tartamo Madaxtinimada dalka, Waxaana lagu xusuustaa ciriirigii uu geliyay doorashadii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay iyo doorashadii ka danbeysay ee Farmaajo ku guuleystay.

Hadda Shariif waa murashax rajadiisa tahay in mar kale dalka uu hoggaamiyo, waxyaabaha Shariifka lagu amaanana ay tahay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Al-SHabaab Muqdisho looga saaray iyo sidii ay dowladdiisa u maareysay howlgalkaasi oo mudo qaatay.

Xasan Cali Kheyre: Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii Maarso 2017 usoo xushay ra’iisul waasarahiisa una arkay mid ay wada shaqeyn karaan mudo xileedkii afarta sano dastuurka xeeriyay. Xasan Cali Kheyre oo difaac adag u noqday dowladdii Nabad iyo Nolol wanaag iyo xumaanba wixii ay fashay.

Kheyre inkasta oo muddadii uu xilka hayey uu qabtay wanaag badan, waxaase wanaagaasi ka xoog baday xadgudubyadii iyo ficilo u qorantay Kheyre inuu geystay. Waxaa laga xusi karaa dhibaatooyinka u diiwaan gashan Kheyre inay ka mid yihiin, Weeraradii loo geystay madaxweyneyaashii hore ee dalka, weerarkii C/raxmaan C/shakuur Warsame, dhiibistii Qalbi Dhagax iyo u aqoonsigii ururka ONLF mid argagixiso iyo qodobo kale maanta bar madow ku ah Kheyre.

Hadda waa murashax madaxweyne, oo doonaya in lagu qiimeeyo wanaagii dowladdii Nabad iyo Nolol ee saaxiibkiis Farmaajo oo isagana dhinac kale wanaagaasi ka leh. Rajada uu ka qabo in la doorto ayaa ah mid aan laga hordhici karin, waxaase la saadaaliyay inuu soo gudbi doono wareega koowaad.

Saciid Cabdullaahi Deni: Magaalada Muqdisho ayuu ku dhashay sanadkii 1966-kii. wuxuuna kasoo qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kulliyadda luuqadaha, isagoona takhasuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia kahor inta uusan siyaasaddda ku biirin.

Sanadkii 2002-kii ayuu soo galay siyaasadda, xildhibaan ilaa heer wasiir ayuu kasoo noqday dowladdii Xasan Sheekh. Deni oo ah ganacsade reer Puntland waa markii labaad ee uu u tartamayo Somalia.

Deni waa siyaasi hadal adag, ololahiisa doorashada wuxuu kusoo galay naceybka madaxweyne Farmaajo, isagoo hadafkiisa koowaad ku sheegay sidii uu ula dagaalami lahaa inuusan Farmaajo kursiga kusoo laaban.

Deni oo Puntland looga arko madaxweynihii ugu liiday ee soo maray Puntland, waa shaqsi hadalka dhaliisha iyo sixidaba u dul qaadan karin, waxaase la isweydiinayaa shaqsi noocaasi ah Somalia oo idil sidee ayuu u xukumi karaa?.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame: Wuxuu kaligiis shantii sano lasoo dhaafay ahaa hoggaamiye iskiis isu waday, dagaalna kula jiray Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii uu eryay ee Xasan Cali Kheyre kana tirsanayo eedo badan. CCShakuur oo wasiirkii qorsheyntii iyo xiriirka caalamiga DKMG soo noqday, waa markiisii labaad ee uu tartamo.

Heerka aqoontiisa ayuu kaashadaa marka uu doodaha ka qeybgalaayo, hase ahaatee xiligaan wuxuu u muuqdaa inuu yara dhaamo doorashadii 2017-kii. Rajadiisa in la doorto ayaa ah mid hooseysa laakiin laga yaabo inuu soo galo murashaxiinta safka hore ka muuqda.

Daahir Maxamuud Geelle: Waxaa lagu tiriyaa murashaxiinta qunyur socodka ee Xarakada Al-Islaax, Waa hoggaamiye deganaan badan muujiya, xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii KMG. Damaciisa waa inuu noqdaa madaxweynaha Somalia, waxaase ka horeeya wado dheer oo u baahan in uu ka gudbo imtixaanka ku hor gudban. Daahir Maxamuud Geelle oo diinta Islaamka si wanaagsan u yaqaan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay murashaxiinta faraku tiriska ee ururada diimeedka Carbeed ku xeran.

C/kariin Xuseen Guuleed:  Oo saaxada siyaasadda soo geliyay Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu isna ka mid yahay murashaxiinta ururada Islaamiga ka tirsan fikrad ahaan, wuxuu damaciisa yahay in uu noqdo madaxweynaha Somalia. Rajada Mr. Guuleed ayaa ah mid aan muuqan ama suuragal ah in uu ka mid noqon waayo murashaxiinta wareega labaad usoo gudba.

Eng. C/llaahi Cali Xasan: Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha isagana waa murashax, waa aqoonyahan dhinaca waxbarashada iyo arrimaha bini’aadanimada wax badan kasoo qabtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu ku caan yahay howlkarnimo, isagoo leh aqoonta iyo maamulka hoggaamineed. Wuxuu aaminsan yahay in haddii uu ku guuleysto murashaxnimadiisa inuu dalka ku hoggaamin doono  caddaalad iyo aqoon, iyo in dadku kula shaqeyn doono sida hoggaamiye dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad iyo alle ka cabsi ay ku jirto.

Eng. C/llaahi rajadiisa lama saadaalin karo, hase ahaatee waxaa muuqata inuu dadaal badan yahay iyo in uu yahay hoggaamiye aan horay usoo fashilmin.

C/qaadir Cosoble: Waa Xildhibaan qaran, waana markii seddaxaad uu u tartamo hoggaaminta dalka, hase ahaatee nasiibka u hiilin waayay. Ganacsade C/qaadir Cosoble, waa wadaad si fiican u bartay diinta Islaamka, wuxuu murashaxiinta kale ee Daahir Maxamuud Geelle, C/kariin Guuleed iyo Saciid Deni kala mid yahay ka mid ahaanshaha ururada diimeed ee firqooyinka u kala qeybsan.

Cosoble lama dhayalsan karo marka la tago hoolka codbixinta, waxaana la xusuustaa in codod la maleysan karin inuu ugu soo baxayay wareega koowaad. waxaana doorashadaan la filayaa inuu ka mid noqon doono murashaxiinta wareega koowaad usoo gudba.

Dr. Cabdinaasir Maxamed: Waa dhaqtar Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Mareykanka, waxna ku bartay, kuna ceeshay in badan, waxaa damac ugu jiraa inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, in badan xaalada Soomaaliya kama war qabo maadaama qurbaha uu ku raagay, shaqsiyadiisa cid wax badan ka og ma jirto, waxaana maqalkiisa iyo muuqaalkiisa dadku arkeen 2016-kii markii magaalada Minneapolis ugu dhawaaqay murashaxnimadiisa. Waxaa uu qooto qooto ku rabaa cododka xildhibaano ku heyb ah.

Jabriil Ibraahim Cabdulle: Waa aqoonyahan in badan ka og xaalada dalka, ururada bulshada rayidkana kusoo dhex jiray mudo badan, wuuu Muqdisho ugu dhawaaqyay inuu yahay murashax awood u leh in dalka uu ku hoggaamiyo nidaam ka duwan madaxdii soo maray dalka ee hanti boobka ku caan baxay, laakiin Jabriil maxay dadka ku yaqaanaan?.

Jabriil, wuxuu madax ka ahaa hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD, taasoo in mudo ah ka howlgaleysay Muqdisho, waxaa dhanka kale Jabriil lala xiriiriyaa inuu xiriiro caalami ah la lahaa hay’addaha sirdoonka Mareykanka iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Hankiisa waa sareeyaa, marka la eego garbaha ganacsato caan ah oo taageero uu ka helayo, doorashadii 2017 ayuu hal cod baarlamaanka uu ka helay, guuldaradiisa waxaa lagu sheegay inuusan wax shilin ah ku bixin xildhibaanada xitaa uusan isugu yeerin xafladdo ama kulamo kale.

Qofka kasta oo Musharax ah lana doorto waxaa maanta hor yaal Soomaaliya oo ah dal burbursan iyo Dowlad fashilantay, heystaan dhibaatooyin xagga amaanka iyo midnimada Qaranka.

Soomaaliya waxaa hareeyay Dagaallo sokeeye, tacadiyada qabqablayaalka dagaalka, faragelinta Dowladdaha deriska, saameynta Argagixisada caalamiga, Abaaro soo noqnoqda iyo isbadalada deegaanka ku dhacay. Dhinaca kalena waxay la tabaaleysan tahay karti darada, masuq maasuqa iyo caddaalad darada ee ka imaaneysay maamuladii kala danbeeyay, dastuurada qaldan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta wadanka oo la qaadan karin.

Beesha caalamka Soomaaliya dayacaad badan ayey ka geysatay, walow xaaladaha qaarkood ay gargaar ka sameyso, hadana ma ahan kuwo quman oo dhameystiran. Hubka faraha badan ee Soomaaliya kasoo gelaya wadamada deriska iyo kuwa Carbeed waxay sahashay in wadanka ay ka jiraan qabaa’il iyo kooxo xoog badan oo aan la loodin karin iyo in la masuq maasuqo dakhliga gudaha.

Saas darteed fariinta ku socota Murashaxa guuleesta waxaa looga baahan yahay arrimahaasi aan kor ku soo sheegnay sidii xal karti leh ugu heli lahaa.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
[email protected]