Sawirro: Xubno Shabaab ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Gedo iyo Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa galabta jid-gooyo kala kulmay kooxda Al-Shabaab, xilli ay ka baxeen magaalada Garbahaarey, kuna sii jeedeen Beled-Xaawo.

Dagaal kooban kadib waxaa la sheegay in ciidanku ay dileen dhamaan kooxdii dhigatay jid gooyada, meel u dhow degaanka lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xasan Aadan Maxamuud oo ah madaxa howlgallada NISA ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay si nabad ah ku gaareen degmada Beledxaawo oo ciidanka jidka loo galay ay ku sii jeedeen.

Dhinaca kale waxaa galabta bariga gobolka Galgaduud lagu dilay Faarax Cali Warsame oo kooxda looga dhex yaqaanay (Sigane) oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud

Dilka ninkaan oo ahaa mid qorshaysan wuxuu kla dhacay degaan lagu magacaabo Shurufle, waxaana fuliyay xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.