Murusade oo la musuqay: 4 ka mid ah 6-dii saxiixe ee Galmudug oo la badalay

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in la musuq maasuqay saxiixayaashii rasmiga ahaa ee Beesha Murusade oo uu kasoo jeedo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa la badalay illaa afar oday oo kamid ahaa lixdii oday ee saxiixayaasha u ahaa Beesha Murusade ee dhisamay Maamulka Galmudug sanadkii 2015.

Sidee Isbadalka u Dhacay?:

1. Muuse Maxamud Cali  oo ahaa saxiixaha 2015-kii ayaa lagu badalay Xasan Axmed Sabriye, Habar Maxamed,  Hillibi.

2. Cabdulahi Daahir Maxamed oo saxiixe ahaa 2015-kii lagu badalay Cabdiqaadir Wabeen, oo Daguuro

3. Iimaan Jimcaale Faarax oo ahaa saxiixe 2015-kii  ayaa lagu badalay Cali shiine, Abakar

4. Maxamed Cabdi Badane oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Maxamed Dheere, Cabdlle

6-dii saxiixe ee rasmiga ahaa waxaa ka soo haray Maxamed Xasan Xaad iyo  Nabaddoon Bootaan oo la sheegayo in weli laga daba qeylinayo.

Odeyaal la hadlay idaacadda Goobjoog ee Muqdisho ayaa eedda dusha ka saaray  guddoomiyaha degmada Dayniile Dayniile Jacfar Abuukar Cali , Yaxye Hareeri iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa la sheegayaa in aaney awood u laheyn iney xaqiijiyaan hufnaanta xulista odeyaasha saxiixayaasha taasi oo su’aalo badan ka keeni karta tayadooda ku aadan iney doorasho xalaal ah qaban karaan.

Xigasho: Idaacadda Goobjoog