Musaveni oo soo jeediyay talo xoojineysa qorshahii madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo dalkiisa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa soo jeediyay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM laga wareejiyo.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayuu soo jeediyay in taageerada AMISOM loo wareejiyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya si ay AMISOM amaanka dalka kala wareegaan.

Madaxda Caalamka ee taageera Ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda ayuu sheegay in looga baahan yahay inay doorweyn ka ciyaaraan tayeynta ciidamada Soomaaliya, maadaama ladoonayo inay amaanka guud ahaan AMISOM kala wareegaan.

Tayeynta hay’adaha ciidamada ayuu sheegay inay tahay halka ugu haboon ee dhaqaalo lagu bixiyo, isaga oo ku taliyay in taageerada AMISOM ee badan loo weeciyo dhismaha ciidamada xooga dalka.

Musaveni ayaa hadalkaan shaaciyay kadib kulan uu la qaatay Kaaliyaha cusub ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga Afrika, Ambassador Makila James.

Uganda waa dalka ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo si toos ah kaga mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo muddo 11 sano ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com