Museveni oo shaaciyey in Somalia iyo Kenya laga soo abaabulay qaraxyadii Kampala

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa bixiyey macluumaad dheeri ah oo ku saabsan qaraxyadii khasaaraha geystay ee dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi.

Yoweri Museveni ayaa shaaca ka qaaday in qaraxyadaas oo labo ahaa laga soo abaabulay gudaha wadamada Soomaaliya iyo Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay heleen caddeymo ku aadan weeraradaas iyo inay soo diyaariyeen kooxo iska soo abaabulay Soomaaliya Kenya.

“Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Yoweri Museveni.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli laamaha ammaanka ay daba-gal iyo baaris ku hayaan ragga soo qorsheeyey weeraradaasi oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo ay ku dhinteen ugu yaraan illaa lix ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30 kale oo u badan dad rayid ah.

Kampala ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo khasaare dhaliyey, waxaana Uganda ay ka mid tahay wadamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii