Musharax Diinaari: Waxan lacag la’aan ka dhigi doonaa waxbarashada illaa…

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa ambassador Abdiraxmaan Diinaari ayaa caddeyay in haddii loo doorto xilka Madaxweynaha maamulka gobalada dhexe inuu lacag la’aan ka dhigi doono waxbarashada ilaa dugsi dhexe.

Danjire diinaari oo ka mid ah musharaxiinta maamulkaasi laga dhisi doono gobalada dhexr wuxuu sheegay in dadka gobaladaasi ku nool la hagraday oo ay u bashan yihiin hoggaamiye daacad ah oo wax ka qabta nolosha dadka sida caafimaadka,waxbarashada,iyo adeegyada kale ee ummaddu u baahanyihiin sida ceelal biyood,waddooyin iyo daryeelka xoolaha.

Danjire wuxuu intaas ku daray inuu rajo weyn ka qabo in xilkaas loo dooran doono madaama uu shacbiga Soomaaliyeed howlo waxtar leh usoo qabtay sidii nabadeyntii carte, daadgureyntii dadkiii soomaaliyeed ee ku go’doomay koonfurta Suudaan,iyo howlo qiima badan oo uu dadka usoo qabtay.

Danjire Abdiraxmaan diinaari wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen wasiirki Ganacsiga ee dowladii Cabdiqaasim,Afhayeenkii dowladii Cabdulaahi Yuusuf,ku xigeenkii duqa magaalada ee 1997 oo uu duqa ka ahaa Xuseen Cali Axmed iyo safiirkii Soomaaliyeed ee Suuriya iyo safiirka koonfurta Suudaan.

Danjire Diinaari wuxuu Musharixiinta kale kaga duwan yahay waa musharaxa keliya ee u sharxan beelo dhowr ah.

Diinaari (1)diinaari 2Diinaari (3)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com