Beesha Ceyr oo dagaalladii ka dhacay GAL-GADUUD 11 qodob kasoo saartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Cayr oo ka mid ah beelaha Habar-Gidir, ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay kaga hadashay dagaaladii toddobaadkii hore ka kala dhacay Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo dhex maray Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Ahlu Sunada Wal-Jamaaca.

War Saxaafadeedka, ayaa sidatan u qornaa:-

Taariikhdu marka ay ahayd Disember 19, 2014 waxaa hotelka Samiira kulan ku qabsaday shirweyne ay yeesheen waxgaradka beesha Cayr oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba joogga, waxayna ka wada tashadeen dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, oo u dhaxeeyay maleeshiyaad taageersan dowladda iyo dagaalyahanada Ahlu Sunna.

Wadatashi qaatay waqti dheer ka dib waxay dhammaan dadkii ka soo qaybgalay shirweynaha ay si buuxda isugu raaceen qodobada soo socda:

1- Waxay ammaan u soo jeediyeen Ahlu Sunna oo ciidankeeda kala baxday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel, si uu u baajiyo dhiig badan oo daata iyo in shacabka lagu kor dagaalamo.

2-Waxay cambaarayn u soo jeediyeen madaxda iyo masuuliyiintii ka socotay dowladda oo duulaan ku qaaday magaalooyin nabada ah, una bareeray inay degaanadaas ka dhaliyaan dhiig daata iyo dembiyo dagaal.

3-Waxay taageero buuxda la garab taagan yihiin Ahlu Sunna oo nabadgelyo iyo difaac guud oo la mahdiyay u sameysay degaanada ay ka taliyaan.

4-Waxay u soo jeediyeen masuuliyiinta ka socota dowlada inay fahmaan in laga soo gudbay xilligii dagaal wax lagu xalin lahaa, maantana la jooggo xilligii caqliga loo adeegsan lahaa xalka lagu gaarayo nabadda, waxayna ugu baaqeen inay degaanadaas isaga soo baxaan si dadku ay talladooda nabad ugu wada noollaadaan.

5-Waxay u soo jeediyeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inaysan hubka dowladda isugu dhiibiin dadka walaalaha ah oo nabadgelyada ku wada nool, waxayna ayaandarro ku tilmaameen in hubka dowladda lagu gumaado ciddii deegaanka cadowga ka difaaceysay.

6-Waxay tallo iyo tusaale beelweynta Cayr u soo jeediyeen in talada lagu curinaayo ismaamulida degaanadaas ay xil ka saaran tahay ka tashiga aayahooda mustaqbalka, iyadoo aysan jirin faragelin kaga timaada dowladda iyo danleyda ku heybta ah.

7-Waxay baaq u soo jeediyeen beesha caalamka oo ay ugu horeyso UN-ta inay gargaar bini’aadaminimo gaarsiiyaan dadkii ka barakacay degaanada ay ka dhaceen dagaalada, una diraan wafdi xaqiiqo raadina, oo soo dersa xaalada ay ku nool yihiin dadka ka soo barakacay dagaalka.

8-Waxay u soo jeediyeen Ahlu Sunna inay warbaahinta ka soo jeediso baaq nabadeed oo horseeda in khilaafka lagu dhameeyo is faham ku saleysan wada hadal si nabadda iyo maamulka ay dadku uga wada tashadaan.

9-Waxay soo jeediyeen inay beesha Cayr u dhigaan gogol looga arrinsanayo dagaaladii ka dhacay magaalooyinka Dhusamareeb iyo Guriceel, loogana wada hadlo aayaha mustaqbalka hogaanka degaanadaasi.

10-Waxay isku raaceen Dhuusamareeb inay tahay magaalo madaxda maamulka degaanadaas oo dadka wada degga deegaanka, ay u tahay xaruuntooda dowladda, xaqna ay u le eyihiin inay si nabada ugu wada noollaadaan.

11-Ugu dambeen waxay ku soo xireen kulanka shirweynaha inay ka soo horjeedaan dagaal dambe oo ka dhaca degaanadaasi, si xoogana ay u taageerayaan nabadda iyo in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal, dowladuna ay wada tashigaasi faraha kala baxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com