SAWIRRO: Kulankii Xasan iyo Siilaanyo ee maanta oo ka duwanaa kuwii horey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle, ayaa waxa uu maanta Garoonka Diyaaradaha dalkaasi kasoo sagootiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Labada Madaxweyne ee DF iyo Maamulka Hargeysa, ayaa waxaa Magaalada Jabuuti uga socday wada-hadal ay uga arrinsanayeen ka gudubka qaladaadka ay labada dhinac kala tabanayaan, waxaana xusid mudan in inta uu kulanka socday leysla soo hadal qaaday Arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayen Wada shaqeyn, in laga fogaado wax waliba oo dhaawici kara Wada-hadalada labada dhinac iyo weliba in la xoojiyo kulamada ay labada garab uga tashanayaan aayahooda.

Garabka DF Somalia ayaa waxaa qodobada lagu heshiiyay u saxiixay Madaxweynaha Dowlada Xassan Sheekh Maxamuud, halka Mamaulka Somaliland-na uu u saxiixay Axmed Siilaanyo oo ah Hogaamiyaha Mamaulka Somaliland.

Ugu dambeyn,madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo waxaa ay si wada jir ah ugu mahadceliyeen madaxweynaha Jabuuti,Cismaaciil Cuamr Geele oo wada-hadalka fududeeyay,waana markii saddexaad oo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ay shir wada yeeshaan.

SJS1 SJS2 SJS3 SJS4 SJS5 SJS6 SJS9 SJS10 SJS11 SJS12 SJS13 SJS14 SJS15 SJS18 SJS22 SJS32

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@ive.com