SHIR xasaasi ah oo ka dhacay Baraawe iyo qodob muhiim ah oo ka soo baxay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dhacay kulan looga hadlayay Amaanka Magaalada, iyadoo ay kulankaasi ka qeybgaleen Dhinacyada ku lugta leh Ammaanka sida, Saraakisha Ciidamada Militariga, Boliska iyo Nabad Sugida.

Kulanka oo muddo dheer qaatay, ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Degmada iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Ethiopia, Uganda.

Saraakisha ka qayb gashay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha ururka 1-aad ee Guutada Sedaxaad Hilowle Ciise Hagareey, intii uu socday kulanka waxaa laysku af gartay hal qodob oo ah in Degmada xiliyada habeenkii loo sameeyo Ciidamo roondeeya amaankana suga.

Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga Degmada Baraawe, ayaa waxa uu sheegay in Natiijada kasoo baxday kulanka oo ah in La xaqiijiyo Ammaanka Degmada, waxa uuna sheegay in lama huraan ay tahay in laga dhabeeyo xaqiijinta amaanka islamarkaana degmada loo sameeyo Ciidamo gaar ah.

Degmada Baraawe ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee dhawaan soo galay gacanta DF Somalia, waxa uuna kulanka kusoo beegmayaa iyadoo maalinimadii shalay uu halkaasi gaaray Gudoomiyaha Maamulka Seddexda Gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com