Musharax labaad oo ka haray tartanka, sheegayna inuu ‘u tanaasulay’ CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxii labaad oo kasoo jeeda beesha Habar-gidir ayaa ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu “u tanaasulay” musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.  

Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamed ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Wadatashi dheer kadib, waxaan go’aansannay inaan taageerno musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan taageerayaasha ololaha aan soo wadnay iyo cidkasta oo ka qeyb qaadatay. Soomaaliya waxaan u rajeynaynaa isbedel kheyr qaba iyo nabad waarta.” 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna ka mahad-celiyey “tanaasulka” uu u sameeyey Cabdinaasir. 

Waxaan u mahadcelinayaa walaalkeey Dr C/naasir C/lle oo caawa ii tanaasulay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa odayaasha, ganacsatada, siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo dhalinyarada ka mira dhaliyey guushan wayn. Waa bog cusub oo siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan tan Muqdisho u furmay. Waxaan rajaynayaa in ay guul taariikhii soo hoyn doonto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Habeen hore ayaa waxaa sidan oo kale tartanka uga haray madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo isna sheegay inuu “u tanaasulay” Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Inkasta oo labada musharax ee ka haray tartanka ay sheegeen inay tanaasul sameeyeen, haddana waa erey u muuqda mid aan ku habooneyn tallaabada ay qaadeen, sababtoo ah ma jiro tartan toos ah oo kala dhaxeeya hal musharax, mana la gaarin xilligi doorashada oo ay tanaasuli karaan. 

Ma cadda haddii haritaanka Guuleed iyo Cabdinaasir ay wax badan u tari karto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo aan ka mid aheyn musharaxiinat ugu cadcad, oo la rumeysan yahay inay kala yihiin Farmaajo, Sheekh Shariif, Xasan Sheekh, Saciid Deni iyo Xasan Kheyre.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, isbaheysiga Guuleed, Cabdinaasir iyo Cabdiraxmaan ayaan waxaa inta badan qeyb ka aheyn xildhibaanada beesha Habargidir, oo badankood ah laf dhabarta ololaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh.