SACIID DENI: Ma wuxuu u tartamayaa xil madaxweyne mise Ra’iisal Wasaare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni waa musharaxii labaad ee isagoo ah madaxweynaha maamul goboleedka Puntland u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya kadib Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, 2004.

Siciiid Cabdullaahi Deni waa siyaasi wasiir kasoo noqday dowladda federaalka, wuxuuna hore ugu tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse doorashada 2022 waa musharax ka duwan sidii hore.

Wuxuu dagaal aan waxba la iskula harin la galay Farmaajo iyo maamulkiisii, isagoo hoggaamiye u ahaa mucaaradka dowladda, wuxuu garab iyo gashaan u noqday Axmed Madooba-ha Jubbaland, ugu danbeyn wuxuu ku guuleystay dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Madaxweyne Siciid Deni sida uu ku sheegay khudbadii uu ku shaaciyey musharaxnimadiisa in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay inuusan Farmaajo mar kale kusoo laaban Villa Somalia, taasoo ka dhigan dhammeystirka halgankiisa.

Inkastoo codad badan uu heysto, soona saartay inta badan xildhibaannada labada Aqal ee kasoo baxay Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni ma aha musharax loo sadaalinayo inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkastoo uu wareegga labaad ee doorashada Madaxweynaha gaari karo, haddana waxaa la rumeysan yahay in Siciid Deni halka ugu sareysa ee uu gaari karo ama uu raadinayo ay tahay isbaheysi cod iyo xil is-weydaarsi ah oo uu la galo mid ka mida musharixiinta ugu codadka badan wareegga koowaad, marka laga reebo Farmaajo.

Musharax Siciid Deni waxaa la filayaa inuu raajicinayo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, dadaalkiisuna halkaas ku suntan yahay, kaasoo aan la damaanad qaadi karin marka la eego loolanka adag ee xilka Madaxweynaha.

Waxaa la saadaaliyey inuu aad ugu dhow yahay isbaheysi uu la galo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna wajahaya tartan saddex geesle ah oo adag, Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre.

Dagaalka uu Siciid Deni la galay nidaamkii Farmaajo ee lagu guuleystay, waxaa mar kale xaqiiqo ah inuu guushii labaad qarka u saaran yahay guushiisii labaad ee ah inuu kursiga dhaafsiiyo Farmaajo xitaa haddii aanu isagu ku guuleysan.