Musharaxiinta Mucaaradka oo farriin culus u diray beesha caalamka (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa maanta kulankii ay ku yeeshen magaalada Muqdisho uga diray Beesha Caalamka fariin culus oo u muuqatay digniin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu Beesha caalamka ku war-geliyay inaysan waqti ku lumin la hadalka madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday, isla markaana ay xalka doorashada ka raadiso saamileyda siyaasada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in Midowga uu qeybta ka yahay uu diyaar u yahay doorasho, ayna tahay in beesha caalamka ay ka wada-hadlaan hanaankii dalka uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, oo uusan qeyb ka aheyn Farmaajo.

Cabdiraxmaan ayaa xusay in Farmaajo aysan waxba u qarsooneyn, isagoona sheegay haddii weli beesha caalamka ay wax ka sugeyso oo ku siran-tahay ay yihiin “dad halowsan”, sida uu hadalka u dhigay.

“Waqti ha ku luminina madaxweyne xilkiisa uu dhacay, oo muddo xileedkiisa uu dhamaaday, af wax laguma siin karo sharciyad Farmaajo, muddo xileedkiisi waa dhamaaday doorashadana caqabad ayuu ku yahay aan xagga iska dhigno,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray “Wan ka mahadnaqeynaa dadaalka Beesha caalamka, waxaan rabnaa inta doorashada diyaarka u ah daacadana ka ah inay doorasho aadan iyo ayiga in aan ka wada-hadlno sidii dalkan doorasho loo aadin lahaa oo aysan waqti ku lumin Nin saakay raadinaya muddo kororsi, asaga oo sharci darro ku fadhiya Madaxtooyada”.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhamaaday ku sifeeyay hogaan caqabad ku ahaa in dalka ka dhacdo doorasho wada-ogol ah, wuxuuna soo jeediyay in doorashada dalka ay ka wada-shaqeeyaan Beesha caalamka iyo musharaxiinta mucaaridka, uuna dibad joog ka noqdo Farmaajo.

Waxaa uu imanaaya hadalkan xili maanta ay si wadajir ah qoraal usoo saareen xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, kaasi oo lagu sheegay in horumar laga sameeyey qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb kuwa kalena lagu kala tegay, balse ay rajeyneyso in markale laga wada-hadlo, si loo sii amba-qaado dadaallada socda ee doorashooyinka 2021.

“Wadahadalladii lagu qabtay Dhuusa-mareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday madaxda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale inay muujiyaan tanaasul, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka dalka, iyada oo la ilaalinayo danta guud ee qaranka.