Qoor Qoor iyo Guudlaawe oo bixiyey kumanaan dollar oo lacag madax furasho ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa maanta bixiyey lacag madax-furasho ah oo duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan loogu heystay dad shacab ah iyo gaadiidkooda.

Lacagta ay bixiyeen Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa gaareysa $60,000  (Lixdan kun oo Dollar), waxaana tallaabadaas ka mahad celiyey odayaal kala metelayey dhinacyadii ku kala wareegay lacagta iyo dadkii loo heystay madax-furashada.

Dadka maanta lagu siidaayey madax-furashada waxay gaarayeen afar qof oo rag ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay lagu hayey deegaan u dhaw degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Gurceel iyo Matabaan oo ay isku heyb yihiin maleeshiyaadka qaatay madax furashada ayaa afarta nin oo nabad qaba ku wareejiyey madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed Xuseen Dhoore oo ugu horeyn warbaahinta kula hadlay goobtii lagula kala wareegay lacagta iyo dhalinyarada waxa uu sheegay in dhaqankan oo yahay mid aad u xun aan loo sii dul qaadan karin, isla markaana hadda kadib loo diyaar garoobay in si dhab ah meel looga soo wada jeesto.

Dhanka kale madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa u mahad celiyey odayaashii dhaqanka ee dadaalka ku bixiyey sidii loo sii deyn lahaa dadkan, iyagoo bad-qaba.

“Madaxweynaha Galmudug, golihiisa wasiirrada iyo odayaasha dhaqanka waan uga mahad celinayaa gacanta ay ka geysteen, sidii loo sii deyn lahaa dadkan, wax kasta waxaa lagu xaliyey si walaaltinimo ah, gaadiidkii iyo dadkii maanta waa xor,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.