Mucaaradka oo shaaciyay in Farmaajo uu ‘inqilaab ku joogo’ Villa Somalia’, farriina u diray ciidamada + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa maanta kulan xasaasiya ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay uga hadlayeen xaalada cakiran ee dalka iyo mudadda xil-haynta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhamaatay.

Kulanka oo dibad joog ka aheyd warbaahinta ayaa waxa markii uu soo idlaaday la hadlay warbaahinta Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaanka Midowga Musharaxiinta mucaaradka iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ka dhamaaday muddadii uu dastuurku u jideeyay xilka madaxweynaha, isagoona ku eedeyay inuu ku fashilmay isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan ayaa dusha ka saaray Farmaajo fashilkii ku yimid shirkii wada-tashi ee Dhuusamareeb, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu tanaasul ka muujin waayey arrimo ku hor-gudban in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Waxa uu Beesha caalamka uga digay inay qeyb ka noqdaan damaca Farmaajo, isla markaana ay dalka kusii hayaan ayada oo mudadda xil-hayntiisu ay dhamaatay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in Farmaajo uu qaado tallaabo sii hurineysa xaalada cakiran ee ka dhalatay is-mari-waaga doorashada.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in sharciyadii uu dalka ku maamulayay ay ka dhamaatay, midaasi oo ka dhigan inay gebi ahaanba awoodiisi luntay.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya uga digay in loo adeegsado dano siyaasadeed, isagoona usoo jeediyay inaysan u hogaansamin amar qaldan oo uga imaada Madaxda uu xileedkoodu dhamaaday.

Kulanka uu maanta yeeshay Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa imanaya xili ay xalay saqdii dhexe soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen in laga billaabo 8 Ferbaayo 2021 aysan u aqoonsaneyn Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Muranka doorashada dalka ayaa maraya meel xasaasiya, iyada oo ay dhamaatay mudaddii Farmaajo, mana jiro heshiis siyaasadeed oo qeexaya hanaanka looga gudbayo xaalada cakiran, waxaana taagan cabsi la xiriirta inuu faraha ka baxo amaanka guud, oo markii horeba lugo adag ku taagneyn.