Safiirka UK oo amar culus u diray madaxda Soomaalida

Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa ku baaqay in la dar-dargaliyo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo lagu jaan-goynayo heshiiskii la gaaray 17-kii bishii September ee sanadkii 2020.

Safiirka oo adkeynaya fariin ka timid Beesha Caalamka ayaa shaaca ka qaaday in wadada kaliya ee looga gudbi karo marxaladaan ay tahay inay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe heshiiyaan.

“Madaxda waa inay mar kale si deg-deg ah u kulmaan, heshiiskii Dhuusamareeb hormar ayaa laga sameeyay, wadar ogolna waa la gaari karaa, waana in la iska ilaaliyo in qolo gaar ah ay tallaabo qaado” ayuu yiri Ben Fender.

War-saxaafadeed ay maanta ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu dalbaday inay si deg-deg ah u kulmaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, isla markaana ka arinsadaan xaaladda xasaasiga ah ee lagu jiro.

Sidoo kale safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa isna adkeeyay fariintan, waxuuna ugu baaqay inay isku yimaadaan, lana yimaadaan, heshiis doorasho oo horay loogu socon karo.

Arintaan ayaa imaaneysa, kadib markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo ay musharaxiinta mucaaradka ugu yeeraan madaxweynahii hore Soomaaliya.

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa hadda noqotay mid xil heyn ah, sidoo kalena labada aqal ee Baarlamaanka ayaa wakhtigooda dhamaaday dhamaadkii bishii December ee sanadkii hore.