Wasiir ka tirsan DF oo maanta sheegay in dalka uu ka jiro musuq maasuq weyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka waxbarashada dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka jiro musuq-maasuq weyn oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulankii ay maanta yeesheen xildhibaanada golaha shacabka, ayaa sheegay inay jiraan musuq-maasuq waxbarasho oo la xiriira iskuullada iyo jaamacadaha, balse dadka Soomaalida ay musuq u yaqaanaan kaliya in lacag la lunsado.

Wasiirka wuxuu sheegay iney marqaati u noqdeen arday badan oo dooneysay iney dhigtaan jaamacado balse aan heysan shahaado dugsi sare, taasna ay qeyb ka tahay musuqa lagu hayo waxbarashada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaradiisa ay u istaageyso iney wax ka qabato musuqa ka jira dalka ee dhanka waxbarashada, waxeyna arrintaan kusoo aadeysaa xilli dalka ay ka jirto marxalad kala guur ah.

Cabdullaahi Abuukar Xaaji waa wasiirkii saddexaad ee wasaaradaan loo magacaabo mudadada dhamaatay ee afarta sano oo uu madaxtooyada joogay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna dhowr bil ka hor xilkan kala wareegay Cabdullaahi Goodax Barre.