Musharaxiinta oo shir la leh beesha caalamka iyo qorshe Amisom kusoo fara-gelineyo dagaalka Muqdisho oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd shir xasaasi ah u furmay Midowga Musharaxiinta mucaaridka iyo Beesha caalamka C6+ oo ka wada-hadlaya xiisada dagaal ee ka tagaan Magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xubno ka agdhow xerada Xalane ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaan oo ahaa dhanka fogaan arag oo ka qabsoomay qadka Zoom-ka ay labada dhinac ku lafo-gureen  isku dhacyadii xalay illaa shalay dhacay iyo sidii xaalada loo dejin lahaa.

Wakiilada Beesha caalamka ee fadhigooda yahay Xalane ayaa dadaal ugu jira sidii loo dejin lahaa xiisada ka taagan Muqdisho, si looga baaqsado dagaal markale ka qarxa caasimada, kadib xiisad dagaal oo 24-kii saac ee u dambeeyay ka taagneyd magaalada.

Waxay xubnaha beesha caalamka ku booriyeen Midowga Musharaxiinta in deg-deg loo bilaabo wada-hadal dhex-mara madaxda waqtigoodu dhamaaday iyo mas’uuliyiinta mucaaridka oo shalay ciidamadoodu isku faro-saareen qeybo kamid aha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka agdhow Musharaxiinta mucaaridka ayaa sidoo kale waxay Caasimada Online u sheegen in wakiilada Beesha Caalamka ay midowga musharaxiinta kala hadleen sidii dib u eeg loogu sameyn lahaa kaalinta howl-galka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan nabad ilaalinta.

Waxaa socda dadaalo ku aadan in Ciidamo AMISOM ah la kala dhex dhigo goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhaceen, si loo baajiyo dagaal kale, loona yareeyo khasaare soo gaara dadka rayidka ah.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kasii dartay 24-kii saac ee u dambeeyay, kadib markii ay dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo qaar kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka. Hase yeeshe jawiga guud ee magaalada ayaa saaka degan.