Yaa gacanta ku haya goobihii lagu dagaalay ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta degen deegaanadii xalay iyo shalay ay dagaaladu ku dhex mareen ciidamada dowlada iyo ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo iyo ilaalada musharaxiinta qaar oo dhinac ah.

Goobaha ay dagaalada ka dhaceen sida agagaarka Marinaayada, Xaafada Taleex, Isgoyska Dabka iyo qeybo kamid ah degmada Howl-wadaag, gaar ahaa waddada Maka Al-Mukarama ayaa degen, waxaana si teel teel ah u socda dad badankood u socda shaqooyinkooda gaarka ah iyo kuwo doonaya inay ogaadaan wixii shalay illaa xalay dhacay iyo cidda ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

Dhammaan Goobihii ay dagaalada ka dhaceyn ee Marinaayada, Xaafada Taleex iyo Isgoyska Dabka ayaa waxaa gacanta ku hayo ciidamo daacad ah Xasan Sheekh oo Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, Saadaq Joon, iyo kuwa kale oo ka amar qaata saraakiil si toos ah ugu xiran Midowga Musharixiinta.

Dhammaan waddooyinka soo gala goobihii dagaalada dhaceyn ayaa waxaa lagu xiray carro, waxaana difaac kaga jiro ciidamo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamada diidan mudo kordhinta madaxweyne Farmaajo ayaa xalay muujiyey awoodooda, waxayna ku guuleysteen inay gubaan afar ka mid ah baabuur oo ay waten Ciidamada Gorgor oo ay tababartay dowladda Turkiga.

Ciidamada dowlada ee daacada u ah Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ayaa xalay ka laabtay isgoyska KM4 oo ay dagaalada ka bilowdeen waxaana qeybo ka mid ah wadada muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama ku sugan ciidamo taabacsan Midowga Musharaxiinta.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in xal looga gaaro dagaaladii dhacay inkastoo ay adag tahay in dhinacyada ay si fudud isku aaminaan maadaama ay Dowladda Soomaaliya ku guul-dareysatay inay fuliso heshiisyadii ay horey ula gashay Midowga Musharixiinta oo ay kamid aheyd inay ogolaatay in banaanbax ay qabsadan mucaaradka inkastoo markii dambe ay dowladda ka baxday.

Dad badan oo ka barakacay guryahoda oo miciin bidey xaafado kale ayaa weli wadnaha farta ku haya iyadoo ay jirto cabsi la xiriirta in markale uu dagaal bilowdo.