Musharaxiinta Villa Somalia oo ku haray wareegga 1-aad

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaana Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo kamid ahaa Afartii musharax ee ugu codka badna wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golahaas ayaa ka haray tartanka, kadib markii ay tanaasuleen.

Maxamed-weli ayaa waxa wadatay Villa Somalia iyo Khadiija Diiriye oo iyana lagu tiriyo dhankaas ayaa labadaba ka haray tartanka, xili ay safka hore kasoo galeen wareegii koowaad ee doorashada.

Waxaa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iskugu soo haray Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar).

Caana-nuug iyo Sacdiya ayaa waxay labadaba ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka, waxaana sidaas markale ku seegay kooxda Farmaajo ee Villa Somalia inay qeyb ka noqoto guddoonka Golaha Shacabka. Natiijadan ayaa ka dhigan jab kale oo soo gaaray kooxda madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad.

Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabaneysa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.