Musuq maasuq baahsan oo xiligan ka jira qeybaha ugu muhiimsan Adan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaa uu ka taagan yahay musuq maasuq baahsan.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in musuqa ugu badan xiligani uu yahay mid ka jira Kastamka Wasaarada Maaliyada qeybta Garoonka iyo Magareeshinka.

Qeybtani Kastamka ayaa waxaa dhaqaale xoogan looga qaada dadka inta badan ka imaada dibadda, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha badankii aysan ku dhicin qasnada Wasaarada.

Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku dhaca jeebka labada mas’uul ee ugu sareysa Xafiiska Kastamka maaliyada, halka lacag aad u yar loo wareejiyo Wasaarada, taasi oo muujineysa in wali musuqa uu yahay mid ku baahsan xarumaha dowlada.

Cabashada ugu badan ayaa waxa ay ka imaaneysaa qeybaha la dhigo boorsooyinka dadka kusoo laabtay dalka, halkaa oo lagu qaato lacago u dhexeysa 15 ilaa 20$ oo ku dhacda jeebka haween Boolis ah, kuwaa oo hanta ka tabcaday.

Illo wareedyo ka tirsan maamulka Garoonka ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in musuq kaa ka xoogan uu ka jiro qeybta Magareeshinka oo dhaqaale xoogan looga furto dadka kasoo laabta qurbaha.

Shaqaalaha qeybta magareeshinka ayaa dhaqaale aan ku dhicin qasnada dowlada ka qaada dadka qurbaha ka imaada, taasi oo lagu kala qaato waddo sharci daro ah.

Dad badan oo dalka dib ugu soo laabtay isla markaana soo maray qeybta magareeshinka ayaa inoo sheegay in laga qaado dhaqaale xoogan oo sharci darro ah.

Mid kamid ah dadkaasi oo aan wareysanay ayaa inoo sheegay in laga qaaday lacag dhan 150 $ oo lagu sheegay howl fududeyn.

Waxa uu niyad jab ka muujiyay howlaha xiligan ka dhex socda Garoonka oo meel ka dhac ku ah Dowlada federaalka ah ee Somalia.

Mas’uuliyiin badan ayaa iminka u xiran arrinta musuqa kuwaasi oo lagu helay kiisas cad, halka qaarna ay cadeemo u keeneen shaqsiyaad ay kula kaceen musuqa.

Dhawan ayay aheyd goortii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqen barnaamijka la dagaalanka Musuqa waxa ayna labaduba cadeeyen in mas’uulkii arrintaasi loo qabto uu xilkiisa weyn doono.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com