Muungaab oo fal dambiyeed ku tilmaamay tallaabadii uu qaaday Farmaajo (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo soo noqday Duqii hore ee Muqdisho iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Farmaajo inay tahay fal dambiyeed lagu dhaawacayo habsami u socodka Cadaaladda ee Kiiska Ikraan.

Muunhaab ayaa sheegay inaysan jirin cid faragelin ku sameyn karta Kiiska Ikraan oo yaalla Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Muungaab oo dhowaan Jaamacad ku taal dalka Suudaan ka diyaariyay PhD Cilmiga Qaanuunka Dambiyadda ayaa sheegay in aanay jirin meel Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo Kiiska Ikraan. Wuxuu ugu baaqay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka inuusan u hoggaansamin guddiga uu magacaabay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Muungaab soo dhigay bartiisa Facebook

Alle ha u naxariisto Ikraan Tahliil Faarax, waxaan tacsi u dirayaa  Ehelkeeda,  Asxaabteeda iyo dhammaam umadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Allah naga wada siiyo.

Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd  sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.

Xeerilaaliyaha Guud ee CQS  wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.

Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa si rasmi ah u furtay Gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil 07/09/2021, kadib markuu Qareenka Qoyska Dhibanah ha  ow u gudbiyay Cabasho  lidi ku ah  3 ka mida mas’uuliyiintii  sare ee hay’adda NISA.  Gal-Dacwadeedkiina sidaas ayuu  uga  hor furmay Maxkamaddii gaarka u lahayd kiiska.

Intaas kadib, ma jirto cid faragelin karta kiiska maxkamadda yaalla oo aan isla Maxkamadda CQS ahayn, sidaas daraateed Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo waa Sharci darro waana is hortaag qaawan oo uu ku sameeyay Caddaaladda iyo habsami u socodka Dacwadda.

Tallaabada Farmaajo waa fal dembiyeed maadaama lagu dhaawacayo habsami u socodka Caddaalada ee Kiiska Ikraam Tahliil.

Ma jirto meel uu Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka kasoo geli karo kiiska Ikraan, waana inuu faraha kala baxaa, una hoggaansamin Guddiga Villa Somaliya laga soo magacaabay ee sharci darrada ah, haddii kale wuxuu qeyb ka noqonayaa fal dembiyeedka lagu hor istaagayo cadaaladda.

Xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida waxaa saaran mas’uuliyad Qaran iyo mid akhlaaqi ah, waana inay dhaqaajiyaan kiiska Ikraan Tahliil, iyaga oo kaliya ku dhaqmaya sharciga ee aan eegaynin dano gaara.