Sawirro: Muxuu Mursal kala hadlay safiirka Sweden?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Sweden u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Per Lingarde.

Mursal iyo safiirka dowladda Sweden ayaa ka wada-hadlay dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka billowday ee dalka iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu faah faahiyey kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ahaa xoghayaha golaha Cabdikariim Buux.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden usoo magacoowday Soomaaliya #Lingarde ayaa waxa ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee kasoo baxay xafiiska gudoomiye Mursal.

Sweden ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxayna si aad ah ula socotaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka.

Si kastaba, kulankan ayaa waxa uu ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaana si gaar ah isugu qabtay kiiskan, waxaana xiisadan ay saameysay deganaasha siyaasadda dalka.