Rooble oo digniin culus kasoo saaray kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, xilli xalay uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Rooble uu guddi u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada qaranka oo dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Ra’iisul wasaaruhu waxa uu la socdaa in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida uu ka furan yahay gal dacwadeed ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, kaas oo waafaqsan qodobka 34-aad ee dastuurka dalka oo qof kasta xaq u siinaya inuu dacwadii sharciga waafaqsan ka furto maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu aaminsan yahay sida uu dastuurku qabo in hey’adaha Garsoorka dalka ay ka madax-banaanyihiin laamaha fulinta iyo sharci dejinta ee dowladda.

“Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in aysan kaalin uga banaaneyn hey’adaha fulinta kuna sameyn karin wax faro-gelin ah kiiska Ikraan Tahliil Faarax,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Rooble isagoo ku jawaabaya guddigii uu xalay magacaabay Farmaajo ayuu qoraalkiisa ku yiri, “Gal-dacwadeed maxkamad hor-yaalla in loo magacaabo guddi baaris waa arrin baal marsan dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwo loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska, taas oo liddi ku ah cadaalad u helidda qoyska Ikraan Tahliil.”

Rooble aya xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee gacanta ku haya gal-dacwadeedka Ikraan mar kale faray inay deg degjiyaan, si qoyska gabadhaas ay u helaan cadaalad ka madax banaan faro-gelin hey’ad fulineed.

Hoos ka akhriso