Tirada dhimashada qaraxii Muqdisho oo la shaaciyey iyo Rooble oo war ka soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo galabta ka dhacay Bar Control oo ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya ay ku leeyihiin afaafka hore ee xerada Jeneraal Gordon ee Muqdisho, taas oo ku taalla meel u dhaw xarunta Xalane.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in 11-qof ay ku geeriyoodeen qaraxaas, kuwaas oo u badan askar militeriga ka tirsaneyd, halka dhaawacyo badana ay jiraan, in kastoo hey’adaha ammaanka ee doladda Soomaaliya aysan weli khasaaraha ka soo saarin faahfaahin rasmi ah.

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab oo soo xiganeysa xubno ka tirsan hoggaanka kooxda ayaa baahisay in 11 askari oo ku sugnaa xero Nacnac uu isku qarxiyey qof ay soo direen, sidoo kale 16 qof oo kale ayey sheegeen in lagu dhaawacay qaraxaas.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray qaraxaas ka dhacay degmada Wadajir waxa uu ku yiri, “Waxaan cambaareynayaa qaraxii  maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan. Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.”

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay u mudoobaan la dagaalanka argagixisada.

“Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa  sida argagixisada Alshabaab ay ugu oon qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.

Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September.