Muuqaal: Somaliland iyo DF oo Brussels ku wada hadlay iyo Farmaajo oo hal arrin ka dhaartay

Brussels (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa wadahadal xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Brussels ee dalka Biljamka.

Wada hadalkaan ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa looga wada hadlay wada hadalka labada dhinac iyo sidii ay ku heshiin lahaayeen, sida loo qeybsanayo deeqaha iyo sidii loo xalin lahaa Dagaalka Takuraq ee madada badan la isku hor fadhiyo.

Feysal Cali Waraabe oo u waramayey idaacadda BBC Somali ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wada hadalka labada dhinac isla markaasna wax kasta miiska korkiisa lagu dhameeyo.

Feysal Cali Waraabe oo la waydiiyey waqtiga dib loo bilaabayo wada hadalka ayaa sheegay inay labada dhinac ku heshiiyeen in si dhaqso ah loo bilaabo.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey dagaalka Takuraq ayuu sheegay inay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen inuu isaga lug ku leeyahay dagaalkaas, wuxuuna Feysal sheegay inuu Farmaajo ka dhaartay inuusan dagaalkaas wax lug ah ku laheyn.

Wuxuu sheegay in lagu heshiiyey in la qaboojiyo dagaalka Takuraq isla markaasna dooda taagan lagu dhameeyo si wada hadal ah.

Feysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey inaan shirka marnaba lagu soo hadal qaadin magaca Somaliland marka deeqaha la yaboohayey oo lagu bixiyey magaca Soomaaliya ayaa ku dooday inay iyagaba Somalia ka mid  yihiin isla markaasna ay qeybtooda rabaan.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga wadahadlo sidii dhaqaalaha soo qeybsan lahaa isla markaasna ay Somalia waligood wax la qeybsan jireen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo ka wada hadleen qeybsiga dhaqaalaha isla markaasna ay wax badan isla meel dhigeen.

Wuxuu intaa sii raaciyey “Somaliland finalka ayey u soo baxday, halkaa ayeyna taagan tahay. Waxaan u sheegnay in intii uu isagu yimid ay dagaalladu bilaabmeen, wixii aannu kala heshiinnay dawladihii hore ee Soomaaliyana ay ahaayeen in aan la is af lagaadeyn oo laga fogaado wixii xanaf keenaya. Labadayadaba wuu naga yar yahay, waxaannu siinnay aragti waalidnimo iyo odaynimo ku dheehan tahay, waana is af garannay”.

Isagoo ka hadlayey mar lagu celceliyey, oo weliba toos loo weydiiyey, in dabaysha isbeddel ee gobolka ka socota, gaar ahaan sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale ay u muuqato, wuxuu Faysal Cali Waraabe markii hore ku jawaabay “Farmaajo Hargaysa ha yimaado oo ha ka furo safaaraddii Soomaaliya”, laakinse mar labaad markii su’aasha lagu celiyey ayuu yiri “annagaa Soomaali isu keennay, annagaa shantii keennay, Jabuuti ha timaado, NFD ha timaado, Ogaden ha timaado, bal markaa na waaya, laakin inta intaa lagu kala maqan yahay wixii wanaagsanaa ee aan wadnay Soomaaliya ayaa bi’isay, innagu dadka waan isku keennay”.

Faysal Cali Waraabe oo aad ugu ololeeya qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland wuxuu si toos ah u diiday in Soomaaliya ay iyagu kala jareen “innagu kuwii isku keenay ayaannu nahay, dadkii dayaaradaha la dhacay, dadkii xabaal wadareedyada sameeyey, kuwaas ayaa kala jaray” ayuu yiri.

Haddaba halkaan hoose ka daawo Wareysiga Waraabe oo dhameystiran:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com