Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qaaday tallaabo cusub, isagoo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.
Wareegtooyin kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa xilalkii looga qaaday qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha iyo ku xigeennada gobolada, ayada oo la magacaabay kuwa cusub.
Waxa ay u dhignaaayeen wareegtooyinka uu Madaxweynuhu soo saaray sidatan:-
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
- Ku: Mukhtaar Cabdi Cabdillaahi
Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
- Ku: Maxamed Nuur Cabdi;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Mudaneyaal
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.
Ujeeddo: Magacaabid.
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
- In Cabdiraxiim Maxamed Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.
- In Cabdi Xiis Yuusuf laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.