Muuse Biixi oo shaaciyey arrin uu uga faa’iideysanayo xiriirka ay DF u jartay Kenya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo Arbacadii dib ugu soo laabtay caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kadib booqasho dhowr maalmood ah oo uu ku tagay dalka Kenya, ayaa ka hadlay go’aanka dowlada federaalka xiriirka ugu jartay Kenya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay arrintaasi u tahay fursad fiican, isla markaana kor u qaadeysa dadaalada ictiraaf raadinta Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Jamhuuriyada Soomaaliya.

“Waxay inoo fureen albaab wanaagsan, albaab dhib yar oo citiraafku ku imanayo, 54-ta dowladood ee Afrikaba maalinba mid ayaan u tagaynaa, iyagana waa u jarayaan, anagana waan badeli doonaa, aniga saas baan u arkaa” ayuu yiri.

Muuse Biixi ayaa ku doodaya inay bedeli karaan dal kasta oo dowladda federaalka xiriirka u jarto, isaga oo xusay inay dhamaan dowladaha Afrika ay la sameysan doonaan xiriir wanaagsan oo ku qasba DF inay xiriirka u jarto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiska Nairobi ay kula gaareen xukuumadda Kenya uu yahay midkii u horeeyay oo rasmi ah oo ay la galaan Kenya, kaasi oo ay labada dhinac kasoo saareen war-murtiyeed wada-jir ah.

Ugu dambeyntiina waxa uu guul ku tilmaamay heshiiska ay la galeen Kenya oo dhaqan galaya kadib marka ay qabsoomto doorashada Soomaaliya, oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoogan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay Kenya u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed, iyada oo ku eedaysay faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha, waxaana xiligaasi magaalada Nairobi ku sugnaa madaxweyne Muuse Biixi.