Dowladda Turkigu ma waxa ay taageereysaa ololaha doorashada FARMAAJO?

Dhowr tallaabo oo is xigay oo amni, siyaasad iyo diblomaasiyadba isugu jiray oo ay qaadday dowladda Turkigu labadii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa abuuray shaki weyn oo ah in Turkishku ay taageerayaan madaxweynaha uu xilligiisu sii dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

La-kulanka guddiga lagu muransan yahay ee doorshada

Safiirka Muqdisho u fadhiya dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz ayaa noqday diblamaasiga kaliya ee ku dhiirraday la kulanka guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ee qabyada ah ama kala dhimman, taas oo loo fasirtay inay ka dhigan tahay aqoonsi iyo in dowladda Turkigu qayb ka tahay muranka la xiriira doorashada Soomaaliya ee 2021.

Tallaabada ay qaadday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdihso ayaa u muuqata mid si cad uga hor imanaya go’aanka beesha caalamka ee ah in xal wadar-oggol ah laga gaaro habraaca iyo maamulka doorashada ka hor inta aan guddiyo la magacaabin.

Midowga Musharrixiinta oo intooda badan Turkida u arka dal dhexdhexaad ka ah siyaasadda Soomaaliya, xiriir wanaasanna la leh qeybaha kala duwan ee Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa qoraal diginin ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen sida ay uga xun yihiin tallaabada Safaaradda Turkiga oo diblomaasiyiin Soomaali iyo Turkish ah u arkaan mid qar iska xoornimo ah oo dhaawaceysa danaha Turkiga Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Cemalettin Kani Torun, danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray “Wax aan ka rejeynayaa madaxweyne Farmaajo in uu muujiyo biseylkii siyaasadeed ee ay muujiyeen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheekh doorashooyinkii 2012 iyo 2016, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay tanaasul iyo isugaraabid ee uma baahna kala adkaansho.

Hubeynta Ciidanka Haramcad xilliga doorashada:

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay ciidanka Haramcad ugu deeqo 1000 qori oo ah nuuca boobayaasha ah iyo 150,000 oo rasaas ah, kuwaas oo la filayo in dalka la keeno 18-ka December 2020.

Qoraal cabasho oo xambaarsan cabsida laga qabo in hubkaasi geysto haddii uu dalka yimaada ayaa midowga musharixiintu waxa uu u diray safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. Midowga musharixiinta ayaa ka codsaday Turkiga hakinta shixnaddan hubka ah inta waddanku ka baxayo xaaladda adag iyo khilaafka ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

 Ciidanka Gorgor:

Guutada Gorgor oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ee Turkigu ka taageero dhinacyada tababarka iyo qalabeynta kuna tababartay xerada Turkisom ayaa qeyb weyn ka noqotay muranka doorshada, taasina waxa ay soo shaacbaxday markii xukuumaddu geysay gobolka Gedo, kadibna guutada Gorgor ay dagaal ku qaadday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland, iyada oo gacanta Jubaland ka saartay gobolka Gedo.

Dhanka kale horraantii December 2020 dowladda Federaalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxa ay u daabushay 3 diyaarad oo siday boqollaal ka tirsan ciidanka Gorgor. Sababta xukuumaddu ay Dhuusamareeb ugu daabuleyso ciidanka waxa ay wasiiro ka tirsan Galmudug ku sheegeen  inay tahay arrin la xiriirta doorashada.

Ammaanka Musharrixiinta:

Ciidanka Haramcad ee ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Turkiga ka taageero tababarka, tayeynta iyo saanadda ayaa isna ku lug leh muran la xiriira doorashada, sidaasna waxa sheegay xubno ka tirsan musharaxiinta oo jidadka gala xarumahooda maanta la duldhigay ciidan.

Haddaba dhammaan dhacdooyinkaasi waxa ay shaki iyo mad-madow gelinayaan dhex-dhexaadnimada Turkiga ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, sidaas oo kalana waxa ay su’aal dul dhigayaan siyaasadda dhib la’aanta ee ay ku dhaqanto xukuumaddu Turkiga.