SACUUDIGA oo dhaqaaq cusub ka billaabay gobolka

Asmara (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa wafdi balaadhan u dirtay dalka Eritrea, kaasi oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud.

Wafdiga ayaa waxa si meeqaam sarre leh loogu soo dhaweeyay caasimada dalkaas ee Asmara, iyada oo lasii gelbiyay dhanka qasriga madaxtooyada oo uu ku qaabilay Madaxwaynaha Eritrea, Isaias Afwerki.

Kulanka labada dhinac ayaa waxa looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta arrimaha geeska, iyaga oo ku heshiiyey inay si wada-jir ah u sameeyaan guddi fulisa qorshayaasha labada xukuumadood.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxay madaxweyne Afwerki la wadaageen salaan ay uga sideen boqorka Sucuudiga boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Mohammed bin Salman.

Sacuudiga ayaa qorsheynaya in uu saameyn ku yeesho gobolka, iyada oo dhaq-dhaqaaqyadan la fahamsan yahay inay qeyb ka noqonayaan tartanka siyaasadeed ee geeska ay ugu loolamayaan wadamada carabta.