Muuse Biixi oo shaaciyey ‘weerar cusub oo ay kusoo qaaday’ DF Soomaaliya iyo waxa ay u adeegsaneyso

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirka afaraad ee xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay isbedellada haatan ka socda gobolka Geeska Afrika, waxuuna eedeymo u soo jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo baaq u diray beesha caalamka.

Ugu horeyn Muuse Biixi ayaa sheegay in haatan dunida uu ka bilaawday hardan dhaqaale oo xoog leh, isagoo tusaale u soo qaatay loolanka adag ee ka dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, heshiiska Carabta iyo Israa’iil, heshiiska nabadeed ee Afganistan iyo Taliban.

“Adduunyada dal kasta oo leh awood dhaqaale iyo mid ciidan, waxay ku tartamayaan mandiqadda aan ku noolnahay ee badda Cas, waxaana arkeynaa is bedellada xoogan ee ka socda gobolka,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxaweynaha Somaliland ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa aqoonsiga ay calamka ka heysato ay ku soo qaaday dagaal diblumaasiyadeed.

“In kastoo aanaa heysan dhaqaale buuran, hadana yeeli meyno in waxyeeleynta qarankeena dhaqaale loogu soo gambado,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Isagoo baaq u diraya beesha caalamka ayuu yiri, “Somaliland waxay si cad ugu sheegeysaa beesha caalamka oo dhan iyo cid kasta oo daneyneysa arrinta Soomaaliyeed, in aqoonsiga la siiyey qeyb ka mid ah dalkii bur-buray ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya uu noqday hub lagu bur-buriyo jiritaanka Somaliland.”

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in tajaabo lagu sameeyo qaranimadeeda, isagoo tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya aan hadda la barbar dhigi karin Somaliland, “Somaliland qaranimadeeda waa Bir-lah aan cidina taaban karin” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo