MUUSE SUUDI oo shaaca ka qaaday sababta ugu wacan isbeddelka ku yimid Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu ku fashilmay hoggaaminta doorashada dalka, isla markaana uu is bedelay moqifkiisii siyaasadeed.

Senator Muuse oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu galay damac siyaasadeed, isla markaana aysan saxneyn sida uu wax u wado.

“Ra’iisul Wasaarahaan wixii loo igmaday ma qaban, waxaan is laheyn howsha hadii lala qaban qaabiyey waa ka soo bixi karaa, laakiin ma saxna waxa uu sameynayo damac darajo iyo damac hunguriyaa galay,” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Xaaji Muuse ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dareemay inuu doonayo in xafiiska uu iska sii joogo, balse meesha uu wax ka raadinaa aysan darajo ka jirin.

“Meesha inuu joogo inuu rabaan ka dareenay, taasina furcadi maaha, Rooble darajo hadii uu rabo Madaxweyne ayuu noqon karaa, hada waa isisoo sharaxi karaa hadhowna waa isisoo sharixi karaa,” ayuu yiri.

Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Rooble looga baahnaa in umadaan uu cariiriga ka saaro, maadaama ay isugu darsoontay dowlad-xumo iyo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay.

“Umaadaan cariiriga ku jirta in laga saaro ayaa muhiim ah, wixii waa kala daadsan yihiin ee waa in la helo dad amar kala qaata, dadku waa kala coloobay, ciidanka xataa iskuma fiicna, si wax kasta u hagaagaan waa in hadda doorashada la dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Mar la weydiiyey sida uu u arko in midowga musharaxiintu ay dhisaan gole badbado qaran ayuu yiri, “Arrintaas go’aankeeda madasha ayey jirtaa, laakiin ra’iisul wasaaraha hadii laga arko in uusan wax qabaneyn wixii yimaada isagaa mas’uuliyadooda,hadii guddi la dhisana waa wax isaga laga arkay, marka wixii qaldan hala saxo wixii wanaagsana hala dhaho waa saxan yihiin.”

Senator Muuse ayaa aad u dhaliilay qaabka ay u soocoto doorashada dalka, “Qof kasta liis ayuu heystaa, madaxda dowlad goboleedyada waxay wadaan xulayo oo hebel soo saar ayaa lagu hayaa, waxaas doorasho maaha, doorashada waa in intii is sharaxda ay tartanto.”

Ugu dambeyntii Senator Muuse ayaa sheegay in weligiis uusan la xariirin Ra’iisul wasaare Rooble, hadda kadibna aysan u qorsheysneyn inuu raadiyo, balse uu aad u daneynayo in doorashada uu u hoggaamiyo habka ugu haboon.

Hoos ka dhageyso wareysiga