Xuseen Macalin: “Farmaajo laba wax ayuu isku darsaday”

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud, sidoo kalena horay usoo noqday Taliyaha dhanka Amniga ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashada sii jiitameysa ee Soomaaliya, isagoo eedeyn culus u jeediyey Madaxweyne Farmaajo.

Agaasime Xuseen Macalin ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ku eedeeyey in uusan wax dan ah ka laheyn dalka, isla makaana uu kaliya fiirsanayo dantiisa, isagoo ku tilmaamay magafe.

“Siyaasadaan soo caga jiitantay iyo doorashada oo dhici weysay ayaa waxay na gelisay xaalad la yiraah firaaq dastuuri ah, dadka wax garadka ah way ogaayeen in Farmaajo uusan dalkaan dan ka laheyn, dadka shacabka ahna hadda ayey kusoo baraarugeen inuu yahay nin magafe ah oo dantiisa bis ka shaqeysta, dalkana aan u shaqeyn,” ayuu yiri.

Xuseen Macalin ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay qof “ay isugu darsoontay doqonimo iyo kibir.”

“Hooyooyin damiirkooda gubanaya oo maalin kasta waddooyinka taagan oo dhahaya ilmaheena naga maqan oo uusan hal maalin la hadlin waa dhaqan lagu yaqaan marka ay qofka isugu darsoonto doqonimo iyo kibir, haddii uu yahay qof caqli leh dadka wax ka sheeganaya oo maamulkiisa ku hoos nool ayuu la hadli lahaa,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka uusan weli si buuxda uga bixin arrimihii qabiilka, loona gudbin Qaranimo buuxda, sidaas darteedna wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay qofka haya mas’uuliyadda dalka inuu ilaaliyo dastuurka dadku heshiiyeen, si aysan u dhicin wixii dhacay Bishii April, markii la fashiliyey mudo kororsigii Farmaajo.

Hoos ka daawo wareysiga Xuseen Macallin