Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay MARKA

Marka (Caasimada Online) – Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca bambada gacanta laga tuuro ah oo maanta ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Weerarka ayaa dhacay, xilli ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacaba, waxaana dadka ay waxyeelada gaartay u badan rag xoogsato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay ugu yaraan laba qof shacab ah, kuwaas oo loola caray goobaha caafimaada ee magaallo xeebeedka ee Marka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gal sameeyey, kadib weerarkaasi, waxaana ay soo qab qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo qaraxaas.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha dhammaanka ay kasoo saareen qaraxaas iyo sidoo kale howl-galka xigay ee ay sameeyeen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaan si caadi ah usoo laabtay dhaq-dhaqaaqa suuqa oo maalinta Arbacada ka mashquul badan maalmaha kale, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Marka ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo ay fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii